Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada
Hargeysa, 20 April, 2014 (Himilo)- Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay ciidanka Qaranka Somaliland kalsooni buuxda ka kasbaday Shacabka degmada Taleex, ka dib markii ay ciidamadu dhowaaan socdaal booqasho ah ku gaadheen degmadaas oo bishii hore dabayaaqadeedii Ciidamo ka tirsan maamul-goboleedka Puntland xad-gudubyo bani’aadamnimada ka baxsan ka geysteen.
Guddoomiye Baashe Maxamed Faarax oo ka mid ah mudaneyaasha Golaha Wakiillada ugu jira gobolka Sool iyo Xisbiga Kulmiye, waxa uu sheegay inaanay Somaliland xaq u lahayn inay u gudub gudaha xuduudka maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya, balse ay u xaq u leeyihiin inay tagaan deegaan kasta oo ka tirsan deegaamada ku teedsan xuduudkeeda.
Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu sidaas ku sheegay xog-warran uu shalay warbaahinta qaarkeed ku siiyey magaalada Hargeysa, kaas oo uu kaga hadlay qaabkii magaalada Hargeysa loogu soo dhaweeyey Garaad Jaamac Garaad Ismaacil iyo wefti uu hoggaaminayo oo dorraad ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Hargeysa, ka dib wada-hadal laba maalmood qaatay oo wasiirro Xukuumadda Siilaanyo ka tirsan kula yeesheen magaalada Jabuuti.
Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Somaliland oo ugu horreyn ka hadlay socdaalka uu magaalada Hargeysa ku yimi weftiga Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil iyo qaabkii loo qaabiley, waxa uu yidhi, “Garaadku dalkiisii buu ku soo noqday, Garaad miisaan leh weeye, aad iyo aadna waxaanu ugu faraxsannahay in isaga iyo raggii la socdayba ay yimaaddeen, si fiicanna loogu soo dhaweeyey oo la tusay kal-gacayl Somaliland u qabto gobollada Bariga. Waxaanu mahad u soo jeedinaynaa shacabka Somaliland, weliba shacabka deggen Hargeysa si sharafta iyo karaamada leh ee ay u soo dhaweeyeen Garaadka iyo weftigii la socday.”
Baashe Maxamed Faarax waxa uu gar-darro aan geed loogu soo gabban ku tilmaamay cambaareyn maamul-goboleedka Puntland ugu jeedisay Somaliland tegista ciidamada qaranka ee Taleex, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Ciidamadu Taleex bay tageen, xaqbaanay u leeyihiin oo waa dalkoodii, meel kasta oo xuduudda Somaliland ah waa la tagayaa. Markaa Puntland waa ku gar-daran tahay inay tidhaahdo maxaa loo tagay Taleex? Xuduudda Somaliland waa meel mucayin ah oo la yaqaan, ciidamaduna meel walba ay tagayaan,” ayuu yidhi Md Baashe.
Waxa uu guddoomiyuhu tilmaamay kalsooni shacabka degmada Taleex ku qaabileen ciidanka Qaranka Somaliland, isaga oo taas ku sababeeyey farqi weyn oo u dhexeeyey booqashada Ciidamada Qaranka ee Taleex iyo tacaddiyo ciidamo maamul-goboleedka Puntland ka tirsan ka sameeyeen degmadaas bishii hore daba-yaaqadeedii.
“Waxaan u hambalyeynayaa Ciidamada Qaranka Somaliland, iyagu (Puntland) markay Taleex yimaaddeen, wixii ka dhacay waa la ogaa, Ciidamada Somaliland meel kasta oo ay tagaan waxay u tagaan nabad-gelyo, qof ay wax yeelleenna may jirto oo nabad-gelyo ayay ku tageen, nabad-gelyo ayayna kaga soo baxeen. Somaliland-na Xaqbay u leedahay inay xuduudeedda meel walba ay tagto, waanay tagaysaa, waxaanay ku tagaysaa nabad-gelyo, laakiin maaha inay Puntland u gudubto,” ayuu yidhi Md Baashe Maxamed Faarax.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment