Muqdisho, 23 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza, ayaa markii ugu horreysay shalay booqasho ku tagay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana kulan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Madaxweynaha Burundhi oo booqashadan uu ku tagay shalay noqonayso tiisii ugu horreysay ee uu ku gaadho Soomaaliya oo ay ka joogaan Ciidamo ka tirsan kuwa Midawga Afrika ee AMISOM oo dawladda Soomaaliya ka gacan-siiya dagaalka ay kula jirto Malleeshiyada Al-Shabaab, waxa uu la kulmi doonaa Taliyeyaasha Ciidamada AMISOM oo Ciidanka dalkiisa ka socdaa ka mid yahay, kuwa Soomaaliya iyo Masuuliyiin kale, sida la sheegay.
Madaxweynaha dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo qaabbilay Madaxweynaha Burundi, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay booqashada Madaxweynaha ee Muqdisho, waxaanu yidhi; “Aad iyo aad baan ugu faraxsan nahay inaan Madaxweynaha dalka Burundi ku soo dhaweeyo Muqdisho. Ciidamada Burundi ayaa nala joogay tan iyo December 2007, mana illaabi karno dedaalkooda dib u soo celinta amniga Soomaaliya iyo sida ay naftoodu ugu hureen oo ay dhiiggooda noo hureen si dalka uu nabad u noqdo.”
“Muddadii ay Ciidamada Burundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaadhan baa la sameeyay, Muqdisho oo kooxihii nabad-diidka ahaa laga saaray oo Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan, ayaa gacanta Al-shabaab laga saaray sida Marko, Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Beledweyn, Xudur iyo goobo kale,” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu sheegay inay Ciidamada Midawga Afrika ee kuwa Burundi ku jiraan iyo kuwa Soomaaliya ay wadaan hawl-gallo goobaha ay joogaan lagaga saarayo Al-Shabaab, waxaanu yidhi; “Ciidamada Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaadhsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Burundi iyo kuwa kale ee noo soo gurmaday.”
“Waxaan sii xoojin doonaa xidhiidhka labada dal, bacdamaa ay Soomaaliya sameynasyo horumar isuna diyaarineyso in dalka ay doorashooyin ka dhacaan sannadka 2016-ka. Waxaana mahad gaar ah u soo jeedineynaa dowladda Burundi iyo shacabkoodaba,” sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Waa markii ugu horreysay ee Madaxweynaha waddanka Burundi booqasho tan oo kale ah uu ku tago xarunta dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Brundi, ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee ay Kumannaanka Askari ka joogaan Soomaaliya, waxaana Ciidamada Burundi lagu tilmaamaa kuwa ugu mintidsan dhinaca dagaallada ay la galaan kooxda Al-Shabaab Ciidanka Midawga Afrika ee AMISOM ka jooga Soomaaliya, marka laga reebo Ciidamada dawladda Itoobiya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment