Oodweyne: (Himilo)-Shacabka ku dhaqan Deegaanka Magaalada Oodweyne ee Gobolka Daadmadheedh ayaa mudaharaad Ballaadhan iskugu soo baxay.
Mudaharaadka ayaa la sheegay inaanu wax khasaare ah geysan, waxaana ay dadka Taayirro ku gubeen Dariiqyada waaweyn ee magaalada iyagoo kala xidhay isu socodkii Gaadiidka iyo Dadweynahaba.
Mudaharaadka ayaa bilaabmay markii uu Badhasaabka Gobolka Oodweyne Jamaal Xuseen Hurre isku dayey inuu xilka u kala wareejiyo Agaasimihii hore ee Gobolkaas ee wasaaradda Caafimaadka u qaabilsanaa Ibraahin jaamac kaahin iyo Agaasimaha cusub ee dhawaan loo magacaabay Bashiir Xasan Qalinle.
Dadweyne ka Gadoodsan xil-wareejinta ayaa ku soo xoomay xaruntii la doonayey in labada masuul xilka loogu kala wareejiyo, waxaana halkaas ka bilaabmay mudaharaad magaalada oo dhan markii dambe gaadhay.
Dadwaynaha ayaa waxay ku qaylinayeen ereyo ay kaga soo hor jeedaan wasiir ku xigeenka Wasaarada Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan oo ay ku dhaliileen dariiqa ay u martay tallaabada ay labada masuul iskugu beddeshay.
Dadkii shacabka ahaa ee mudaharaadayey qaar ka mid ah ayaa warbaahinta u sheegay in Agaasimaha cusub ee la magacaabay uu ahaa Neeras aan aqoon durugsan u lahayn caafimaadka, halka ay kii hore ee la beddelay kaga sheegeen dhakhtar aqoon u lahaa hawlaha shaqo ee uu Gobolka u hayey.
Badhasaabka Gobolka Daadmadheedh Jamaal Xuseen oo Dhacdadan warbaahinta uga warramay ayaa sheegay in dhakhtarkii la beddelay uu ku sheegtay lahaanshaha agab Cisbitaalka yaallay oo ilaa iyo Hadda maqan, taasina ay keentay dhacdada Magaalada ka dhacday, ”cisbitaalka ayaa dhakhtar cusub loo soo qoray, shalay si wanaagsan ayay u dhacday markaa maanta markii lays yidhi kala tiriya ayaa qalab kuwa dumarka lagaga umuliyo uu dhakhtarku yidhi anaa leh, markaas baa islaan baa dhakhtarka ka mid ahi tidhi waa qalabkii dumarka lagaga umulinayay oo cisbitaalka ayaa leh, dabadeed dhalinyaro dhakhtarka la socotay ayaa qalabkii badh la cararay hadana waanu ku daba joognaa,” ayuu yidhi Guddoomiye Jamaal xuseen Hurre.
Badhasaabka ayaa sheegay inaanu mudaharaadkaas ka dhalalin khasaare Badani, marka laga reebo gawaadhi aan badnayn oo muraayadaha laga jajabiyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment