Hargeysa (Himilo)- Xarunta Guud ee Xisbiga Talada Haya ee Kulmiye ayaa la daalaa-dhacaysa Mashquul iyo saxmad xad-dhaaf ah, kadib markii ay isku Gaadheen Hawlo shaqo oo aan la qabanin muddooyinkii ay munaasibka ku ahayd.
Mashquulka Xarunta Xisbiga ayaa lagu sheegay inay sabab u tahay Shaqooyin habsaamay oo ay ugu horrayso Kaadhadh-samayntii Ergooyinka Xisbiga uga qaybgelaya shirweynaha Saddexaad oo lagu wado inuu bilaabmo maalinta Isniinta ah ee Soo Socoto.
Saxmadda iyo cidhiidhiga Xarunta Xisiga ka jirtey ayaa sababay farotaag-taag iyo gacan ka hadal dhex mara dadka Goobta isugu yimid oo u badnaa Shacab ay horkacaan masuuliyiin ka tirsan Dawladda iyo kuwa ka tirsan Xisbiguba.
Marka laga Yimaaddo dadka shacabka ah ee ay shaqadu iska horkeenaysay, waxa Saaka Goobta isku faro saaray Laba Xildhibaan oo ka Tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, gaar ahaan kuwa ka soo jeeda Gobolka Sool oo isku maan-dhaafay Xubnaha Ergooyinka ee Gobolkaasi yeelan doono.
Xildhibaanadan gacan ka Hadalku dhex maray ayaa kala ahaa Xildhibaan Dhakool iyo Cabdirashiid Ducaale Qandi, waxaana ay is dhaafsadeen Feedhadh aan keenin khasaare Badan.
Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ayaa isagu ka mid ahaa dadkii Xukuumadda Ka socday ee sida gaarka ah u kormeerayey Hawlaha xisbigu halka ay marayaan, waxaana uu shirar hoose kula Jirey Saraakiisha ugu sarraysa Xisbiga oo iyagu Hawlo gaar ah saaka ku mashquulsanaa.
Hugunka iyo Buuqa ka taagan Xarunta Xisbiga ayaa la filayaa inay Ilaa berri sii socota, maadaama aan wali si hufan loo kala saarin, loona qaybinin Xubnihii ergooyinka ee Shirka loogu talogalay inay fadhiistaan.
Sidoo kale Beelihii hore u saluugay Saamiga Ergooyinka oo qaarkood la soo ladqabeeyey ayaa u badnaa Mashquulka Xarunta wali ka taagan.
Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye oo marar badan dib u dhacay ayaa loo muddeeyey inuu 28-ka bishan qabsoomo, waxaana si gaar ah isha loogu hayaa bal sida ay wax noqon doonaan, maadaama wali aanay jirin wax cad oo meel la isla dhigay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment