Wednesday, April 30, 2014

Fadhiisigii Cali Waran-cadde, Cadhadii Muuse Biixi, Maslaxaddii Madasha iyo Ku-caddayntii Madaxweyne Ku-xigeenka!




Hargeysa, 30, April, 2014-(Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay loo doortay xilkaas, ayaa ka hor intii aan la dooran si aad ah u cadhooday, ka dib markii uu arkay Kursigii uu fadhiistay maalintii Isniintii ee Shirweynaha saddexaad ee Xisbigaasi furmay oo uu shalay ka sii fadhiistay Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo isagu aan joogin maalintii koowaad ee uu shirkaasi furmay.


muuse biixi(2)Muuse Biixi oo intii aan dib loo dooran shalay isaga iyo xubnaha Hoggaanka Xisbiga Shirci ahaan aan wax xil ah Xisbiga dhexdiisa ka hayn laga bilaabo markii uu shirweynuhu furmay Isniintii, isla markaana inta aanay codka Kalsoonida Ergada Shirweynaha helin la mid ah xubnaha Ergada oo keliya ay dheeraayeen ismuujintooda musharraxnimo, ayaa markii uu ka cadhooday Kursigii uu furitaankii fadhiistay ee Wasiir Waran-cadde fadhiistay oo yaallay safka ugu horreeya Kuraasta Ergada ee Shir-guddoonka ka hor-jeeda, ama shir-guddoonku u jalleecayeen Midig dadban ama Koonfur-bari, waxa uu u weydaartay Kuraasta safka ka dambeeyay Laynkaas oo uu Kursi ka fadhiistay.


Inkasta oo ay Xubno badan oo isugu jiray Wasiirro Xukuumadda ka tirsan iyo Xisbiyahannada KULMIYE oo ay ka mid ahaayeen Maxamed Cabdi Iskeerse, Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Waxbarashada Cali Xaamud Jibriil, Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Cali Siciid Raygal, Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo xubno kale oo badan, haddana suuragal may noqon inuu Muuse Biixi ku qanco Maslaxaadda iyo Ergada ay ula tageen ee ay ugu yeedhayeen inuu soo fadhiisto Kursigiisii oo markii la arkay inuu cadho xagga dambe u fadhiistay-ba loo banneeyey soo fadhiisto.


Hase-yeeshee, markii dambe Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo Safka hore ee fadhiyey, Kursiga Muuse-na garab-yaallay, ayaa kacay, isla markaana isaguna ergo ugu tegay Muuse Biixi oo uu halkii uu fadhiyey ee dadka dhex-diisa garab-fadhiistay, si uu ugu qanciyo inuu Kursigiisa yimaaddo, balse markii ay wakhti illaa iyo 18 daqiiqo lagu qiyaasay hawshaasi socotay, Madaxweyne Ku-xigeenkuna illaa lix daqiiqo garab-fadhiyey Muuse, waxa uu Saylici ku guulaystay inuu Muuse Biixi soo fadhiisiyo Kursigii uu Safka hore ee uu Isniintii fadhiistay, jewiguna waxa uu ku soo noqday markii Muuse Kursigiisii ku fadhiistay degganaan.


Haddaba, Md. Cabdiraxmaan-Saylici, ayaa arrintaas ka hadlay, isla markaana Ergada shirweynaha ka raalli-geliyey murugga kooban ee hab-sami u socodka shirka ku yimi iyo weliba khilaafyo muuqday oo maalintii shirku furmay jiray. Waxaanu sheegay inay muhiim tahay in la is-ixtiraamo oo weliba Masuuliyiinta sar-sare ay ixtiraam muujiyaan.


“Soomaalidu waxay tidhaahdaa wixii caado ahi ceeb maaha, Soomaali haddaynu nahay Baratakoolka waan ku adag nahay, haddaad na arkayseen annagoo halkaa marna dhex fadhina shacabka, marna halkan fadhinay waa wax dhaqan innoo ah ee ceebteen maaha. Markaa, hadduu Guddoomiyuhu (Muuse Biixi) halkaa (Ergada rayidka ah dhexdeeda) fadhiistay dhammaantayo maanta Ergaan wada nahay, haddaan anigoo Baratakool Madaxweyne lahaana inaan garab-fadhiisto Guddoomiyaha waajib bay ahayd, intaana raalli hallaga ahaado, wax dhibaato ahi ma jirto.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland.


Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) waxa uu intaa ku sii ladhay oo yidhi; “Laakiin, waxaa qurux badan in la is-ixtiraamo, oo weliba Baratakoolka ay dadka waaweyn ee Masuuliyiinta ahi ay ilaaliyaan inta la leeyahay Hebaloow kac waxaa ka sii qurux badan inaynu is-ixtiraamno, Bina-aadamku hadduu kala dambayn waayo, dee qiimo yeelan mayno. Waxa kale oo aannu idinka raalli-gelinaynaa arrintii farsamada ahayd ee Ergooyinka ku dhacday ha u badnaato reer Awdal oo tiradii ugu badnayd ka khaldantay, ha ku xigaan reer Balli-gubadle, Beelaha kale qaar haku xigaan, taana khaladkaa madbiciga ah ee dhacay Ergada waannu ka raalli-gelinaynaa, waa idinka raalli-gelinaynaa.” Sidaa ayuu yidih Saylici.


Hase-yeeshee, hakadkaa kooban ee qaddarka ku-sinnaan labaatanka daqiiqo ah socday, is-qancinta la sameeyey ka dib, wax saamayn ah oo taban kuma yeelan habsami-u-socodkii hawlaha Shirweynaha saddexaad, ee hawshu si caadi ah ayay halkaa uga sii socotay oo looga gudbay codaynta, hadallada iyo xidhitaanka shirweynaha saddexaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment