Hargeysa: (Himilo) Badhasaabka Gobolka Maroodi-Jeex Maxamed Maxamuud Jeeni-Yare Ayaa si rasmi ah u shaaciyey Guddida qabanqaabada Munaasibadda 18-ka may ee uu yeelan doono Gobolka Maroodi-jeex.
Guddoomiye Jeeniyare oo maalintii shalay shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa Magaalada Hargeysa Guddi 7-ba Xubnood ka kooban oo Badhasaabku Guddoomiye u yahay, kuwaas oo iska xil saari doono abaabulka, kor u qaaddida iyo weynaynta maalintaasi qiimaha ku leh Somaliland.
Guddidan ayaa sidoo kale yeelan doono Guddi-hoosaad Degmooyinka Gobolku ka kooban yahay metelaysa oo ka sii hoos shaqayn doonta inta ay Hawlaha qabanqaabada ku jiraan.
Guddida Qaban-qaabada ee uu Guddoomiye Jeeniyare Magacaabay ayaa kala ah:
Xog-hayaha Gobolka Maroodi Jeex, Isuduwaha Caafimaadka Ee Gobolka Maroodi Jeex, Labada Guddoomiye-Waxbarasho Ee Gobolka, Ururka Haweenka Qaran Ee Now, Xildhibaan Ka Mid Ah Golaha Deegaanka Ee Hargaysa Iyo Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex oo isagu Guddidan Guddoomiye u ah.
Badhasaabka Marood-jeex ayaa markii uu Guddidan ku dhawaaqay u jeediyey Dardaarankii ay ku hawli geli lahaayeen, “Gudidiinaas Aan Halkan Maanta Idinku MagaCaabnay Ee Qaban-Qaabin Doonta 18-ka May Oo Fooda Inagu Soo Haysa Waxa La Idiinka Baahan Yahay Sidii Wanaag Sanayd Ee Aynu U Diyaar Garoobi Jirnay Ee Aanu Iskugu Xidh-Naan Jirnay Ee Aynu Uga Tabaabu Shaysan Jirnay Ayaa La Idinka Doonayaa Waxaana Loo Baahan Yahay Inuu Qof Waliba Iska Saaro Xil Gaar Ah Arinkaas Sidii Ay Inoogu Qabsoomi Lahayd Maalintaas Qaran Ee 18ka May.” Ayuu yidhi Guddoomiye Jeeniyare.
Waxa Kale Oo Uu Guddoomiyuhu Shacabka Reer Somaliland Ku Amaanay Kaalinta Laxaadka Leh Ee Ay Ka Qaataan Nabad Galyada iyo isku duubnida Bulshada, Waxaana Uu Yidhi “ShacabKeena Ayaan Si Aad Ah Ugu Mahad Naqayaa Waayo ShacabKeenu Waxay Kaalin Laxaad leh Ka Qaataan Nabada Somaliland Waxaana Ay Markasta Rabaan Gooni Istaag Nabadana Waxay Ka Dhigteen Fure ay ku gaadhi karaan wax kasta oo ka maqan.”
Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Ayaa faray Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Hoos yimaada inay si degdeg ah u magacaabaan Guddi-hoosaadyadii Degmooyinka oo ka sii hoos shaqayn doono middan uu isagu magacaabay.
Gabogabadii Waxa kale oo Halkaasi Ka Hadlay Guddida Uu Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex U Magacaabay Qaban-Qaabada Maalinta Qaran Ee 18ka May Kuwaasoo Kala Ahaa Guddoomiyaha Degmada Farawayne, Guddoomiyaha Degmada Sabawanaag, Guddoomiyaha Degmada Daaro Salaam Iyo Guddoomiyaha Ururka Qaran Ee NOW Kuwaasoo Dhamaantood Ka Marag Kacay In Ay Si Wanaagsan Ugala shaqayn Doonaan Badhasaabka Hawlahaasi Qaran Ee 18ka May Ee Uu U Xilsaaray.
Gebi ahaanba Somaliland waxa looga diyaar garoobayaa munaasibadda Maalinta Qarannimada Somaliland oo ku Beegan18-ka May, waxaana Dhammaan Gobolada iyo Degmooyinka Dalka ka socda Abaabulka iyo dardargelinta Maalinta Qiimaha ballaadhan ugu fadhida Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment