Sunday, April 27, 2014

Wasaaradda arrimaha dibadda somaliland oo ka warbixisay qorshaha aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland




Hargeysa (Himilo) Warsaxaafadeed uu soo saaray afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda somaliland Axmed Yuusuf  Cilmi faahfaahin ka bixiyey hawlgalka aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland halka uu marayo, warsaxaafadeedkaasi oo dhamaystirani waxa uu u dhignaa sidan:-


af hayeen suudi“Guddidii farsamo ee Kenya ee uu wehelinayay wakiilka Somaliland u fadhiya Kenya Md. Maxamuud Jaamac ee Arbacdii 23-kii April dalka yimi, ayaa shalay 26-kii April dalka ka amba baxay. Guddidu waxay ka koobnaayeen afar ruux, iyadoo ujeedada socdaalkooduna ahayd inay qiimayn ku sameeyaan waxyaabaha lagama maarmaanka u ah aasaaska safaarada Kenya ee Somaliland.


Guddidii farsamo ee Kenya waxay booqasho ku tegeen Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland opo uu ku soo dhoweeyay wasiir-ku-xigeenka Md. Mawliid Maxamuud. Muddadii ay Somaliland joogeena wasaaraddu waxay siisay taageero iyo tilmaamid.


Guddidu waxay urursadeen dhammaan macluumaadkii ay u baahnaayeen, iyagoo ku qancay dhammaan waxyaabihii ay arkeen.


 Booqashada Guddidu waxay daba socotay heshiis hore u dhex-maray Somaliland iyo Kenya, kaasoo labada dawladood hore ugu heshiiyeen bilaabitaan xidhiidh Diblomaasiyadeed. Hordhac waxay u noqon doontaa in Safaaradda Somaliland ee Kenya noqoto qayb ka mid ah xidhiidh iskaashi ee Kenya.


 Weftigu waxa uu la kulmay shaqaalaha Kenya ee Somaliland ka shaqeeya. Abuuritaanka xidhiidhkan waxa uu balaadhin doona iskaashiga dhaqaaale iyo midka farsamo ee laba dawladood.


Kenya waxay ka mid tahay xubnaha ugu muhiimsan urur goboleedka IGAD, sidoo kalena waa cudud dhaqaale, sidaa darteed waxa muhiim ah inaynu la yeelano xidhiidh diblomaasiyadeed oo fiican.


 Ahmed Yusuf Elmi (SUDI)


Spokesperson and Chief Protocol officer


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment