Saturday, April 26, 2014

Gobolada Iyo Degmooyinka Somaliland Oo Aan Madax iyo Shacab aan Loo Kala Hadhin Salaaddii Roob-doonta ahayd




Hargeysa (Himilo)-Waxa Guud ahaanba laga oogay salaad roob doon ah gobolada iyo degmooyinka  dalka somaliland Sidii ballantu ahayd.


Dadweynaha ku dhaqan Goobaha Magaalooyinka ah ayaa Abaaro 9:00-kii Subaxnimo ee saaka ku tukaday salaad roob doon ah, garoomada iyo fagaarayaasha waa weyn ee had iyo jeer lagu tukado Sallaadda Ciidda, waxaana Halkaasi kula tukaday Masuuliyiinta kala duwan ee Dawladda  oo isugu jira heer qaran, gobol iyo degmo ee ku sugan.


Ugu horrayn Magaalada Hargeysa ee Caasimadda ah ayaa si fiican oo abaabulan looga Oogay Sallaada iyadoo  uu madaxweyne-kuxigeenka Somaliland Garoonka 31-ka may kula tukaday Dadweyne aad u tiro badan oo u soo kacay inay eebe ka baryaan roob  khayr qaba inuu cirka ka siiyo.


Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo la Hadlay Dadweynihii Halkaas ku tukanayey ayaa  ku boorriyey inay eebe weydiistaan inuu raxmaadkiisa u shubo oo uu ka saaro Biyo la’aanta iyo abaaraha soo foodsaaray Dhulka Somaliland.


Sidoo kale Garoonka Kubadda Cagta ee Hargeysa Stadium waxa shacabkii ku sugnaa la Tukaday Wasiirrada Wasaaradaha Diinta iyo Awqaafta iyo Madaxtooyada, iyadoo uu halkaas  dadkii ku tujiyey Wasiirka Wasaaradda Diinta Sheekh Khaliil Cabdiaahi Axmed, waxana uu shacabka u soo jeediyey inay gacmaha isu qabsadaan sidii ay ilaahay ugu toobad keeni lahaayeen oo ay uga fogaan lahaayeen Macaasida iyo waxkasta oo ilaahay cadho gelin kara.


Wasiir Khaliil waxa kale oo uu ku boorriyey shacabka Reer Soamliland inay caawiyaan walaalahooda Goobaha Miyiga   ah deggen oo ay si gaar ah Abaarta iyo Roob yaraantu u taabatay.


Goobo kale oo badan oo Hargeysa ku yaalla ayaa lagu tukaday oo ay masaajiddadu ka mid yihiin, waxaana ay shacabku  ugu soo baxeen salaadda si Ballaadhan.


 


Dhinaca Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil waxa Dadweynuhu ay ku tukadeen Garoonka Kubadda Cagta ee Bursade, iyadoo uu madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud uu dadka la tukaday, isla-markaana uu hadalo kooban oo alle bari u badan u soo jeediyey.


 


Madaxweyne Siilaanyo ayaa shacabka Eebe u weydiiyey inuu raxmaad u shubo, waxaana uu taabtay sida aynu ugu nugulahay Abaaraha iyo roob yaraanta maadaama aynu nahay dad xoolo dhaqato ah.


Magaalooyinka Boorama, Burco, Gabiley, Saylac, Ceerigaabo, Laascaanood, Oodweyne iyo Guud  ahaanba Degmooyinka kale iyo Tuulooyinka ku yaalla Somaliland ayaa si weyn looga Tukaday Salaadda Roob-doonta ah, waxaana Eebe laga Baryey inuu cirka uga shubo Roob khayr qaba kana saaro abaaraha iyo  biyo yaraanta haysata Deegaanada Somaliland.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment