Wednesday, April 23, 2014

Shirkadaha Korontada oo loo Qabtay tabobar ku saabsan Qaabka dabka looga dhaliyo Qorraxda iyo Dabaysha




 Hargeysa, 23 April, 2014 (Himilo)- Tababar ku saabsan qaabka ugu habboon ee Korontada looga dhalinyaro ileyska Qorraxda iyo Dabaysha, ayaa Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa loogu qabtay Shirkadaha adeegga korontada bixiya ee dalka.


tabobarkaTabobarkan oo ay maal-galisay hay’adda mucaawimada dibadda u qaabilsan Maraykanka ee USAID isla markaana ay fulinaysay hay’adda Horumarinta Caalamiga qaabilsan ee DAI, waxa duruusta lagu qaadanayo bixinayey Lawrence H Mott oo ah khabiir ku xeel-dheer Aqoonta Tamarta.


Aqoon-korodhsigan waxa furitaankiisa ka soo qayb-galay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Saraakiil ka socday hay’adaha iska-kaashaday tabobarkan iyo xubno metelayey shirkadaha Korontada ee dalka.


Agaasimaha guud ee Wasaarada Tamarta Siciid Axmed Jibriil oo u furay tabobarkaas, ayaa ka codsaday matalayaasha shirkadaha korantada iyo ka soo qayb-galayaasha oo dhami inay xarumahoodii kula noqdaan aqoonta u korodha. Waxaanu ganacsatada dalka iyo shirkadaha bixiya adeegyada u soo jeediyay inay dalka keenaan qalabka Tamarta lagaga dhalin karo Qoraxda iyo Dabaysha si looga baxo korantada laga dhalinyo Shidaalka oo uu sheegay inuu saamayn taban ku hayo deegaanka iyo dhaqaalaha dalka.


“Runtii wasaarad ahaan farxad ayay noo tahay mar haddii wixii mudnaanta noo lahaa ee ay ka mid yihiin Tamarta oo laga dhaliyo Qoraxda iyo Dabaysha in laga faa’idaysto, taas oo halkan lagu qabanayo ayna inaga caawisay hay’adda USIAD,” sidaa waxa yidhi Agaasimaha Guud ee wasaaradda Tamarta oo la hadlayey ka-qayb-galayaashi tabobarka.


Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Waxaan ku dhiiri galin lahaa ka soo qaybgalayaasha oo u badan dadkii shaqadan gacanta ku hayay ama ay qusaynaysay in korantada oo inta badan aynu ka dhalino waxyaabo qaali ah  oo aan u wanaagsanayan deegaankeena, idinka oo og qiimaha uu maraayo 1KW ee dab ah, waxaanu aad u dhiiri galinaynaa wasaarad ahaan In shirkadaha dabka dhaliya ama dadka reer Somaliland ee ka faa’idaysan karaa ay soo iibsadaan qalabka lagaga dhaliyo tamarta Qoraxda iyo Dabaysha, aqoontana aad u sii gudbisaan shaqooyinkiinii iyo bulshada inta kale. Mar labaad waxaan u mahadnaqayaa haayada inaga caawisay kulankan.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment