Hargeysa (Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa xadhiga ka jaray Xarun cusub oo loo dhisay Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta reer miyiga somaliland.
Dhismahan cusub ee wasaaradda Deegaanka oo laga hirgeliyey Magaalada Hargeysa, ayaa waxa furitaankiisa ka soo qaybgalay Madaxweynaha Somaliland, Wasiirada Wasaaradaha Maaliyadda, Xannaanada Xoolaha, Madaxtooyada, Gaashaandhigga, Deegaanka, Waxbarashada, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,Wasiir-ku-xigeeno iyo marti sharaf kale oo aad u tiro badan, waxaana halkaas laga soo jeediyey kudbado kala duwan oo la xidhiidhay horumarka wasaaradda iyo kaalinta ay qaranka kaga jirto.
Munaasibaddan Xadhiga lagaga jarayey xarunta cusub ee wasaaradda waxa ugu horrayn ka Hadlay wasiirka wasaaradda Maaliyadda Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale, waxaana uu si weyn u bogaadiyey dhismahan cusub ee ay wasaaraddu heshay oo uu sheegay mid kharaska ku baxay uu ka soo baxay khasnadda dawladda.
Wasiir Samaale ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in dhisme qurux badan ay yeelatay Wasaarradda Deegaanka oo ka mid ahayd Wasaaradaha Kirada geli jirey muddada dheer.
Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Marwo Shukri xaaji Ismaaciil Baandare ayaa ku dheeraatay Marxaladihii uu soo maray dhismaha wasaaraddu, “Dhul ahaan goobtan waxa iska leh Dawladda Somalialand, Wasaaradda Maaliyadduna Sidaa wasiirku sheegay runtii wuu maalgeliyey dhexdana wuu u xidhay, marar badan buuna igu yidhi Shukriyey Maantana ma wasaaraddii baad u socotaa, maantase way dhamaatay.” Ayey Tidhi Marwo Shukri, waxaana ay Hadalkeeda sii raacisay,
“Sagaal kale ayaa dhawaan la dhisayaa oo dalka ku baahsan, kuwaas oo isgu jira dhismooyin kala duwan, laascaanood wuu cusub yahay, Hargeysa waa la duminayaa oo fooq baa laga dhisayaa, Berbera, sheekh ilaa saylac dhismayaasha wasaaradda iyagana waxbaa lagu kordhinayaa, xafiis kastana qalabkiisa oo dhamaystiran baa loo dhigayaa, shaqaalahana waa la tababarayaa, sanadka dambena shaqaalahayagu waxa uu u badanayaa ilaaliyaasha daaqa”
Wasiir Shukri ayaa sidoo kale tilmaamay inay Muhiimad weyn siiyeen sidii ay u beeri lahaayeen dhir si loo daboolo baahida dhir la’aaneed ee dalka ka jirta, isla-markaana loo soo celin lahaa dabar jarka lagu hayo dhirta, waxaana ay tidhi,
“Siddeed xarumood ayaanu dhir ka beeri doonaa, tan aynu maanta joognana way ka badan tahay dhirteedu labaatan kun oo geed, Si weyn baanu u maalgelinaynaa Maanta inaanu dhulkii Beerno oo dhirtaa la gurayo aanu dib u soo kabno.”
Wasiir Shukri Xaaji ismaaciil Baandare waxay codsi u dirtay madaxweynaha Somaliland, iyadoo farta ku fiiqday baahida loo qabo sidii ay dadku u heli lahaayeen waxay kaga maarmaan shididda dhuxusha, waxaanay tidhi, “Si aanu deegaanka u soo noolayno waxaanu kaa codsanaynaa madaxweyne in dib loo soo celiyo horto dhirtii oo aynu helno Tamar kale oo aynu ku beddelano dhuxusha.”
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo munaasibaddaa Xadhiga lagaga jarayey Dhismaha Wasaaradda Deegaanka Somaliland ka hadlay, ayaa ku hambalyeeyey wasiirka Deegaanka Waxqabadka ay muujisay, isagoo tilmaamay inuu aqoon iyo karti ku ogyahay, waxaana uu ku ballan qaaday inaanu waxba ka Hagran doonin, “waxaan hambalyeynayaa wasiirka Shukri oo aqoon badan u leh Deegaanka una dedaasha inay wax ka qabato arrimaha Deegaanka, Haddii aanu dawladda nahayna waxaanu Ballan qaadaynaa inaanaan waxba kala Hadhin, waxaana aynu nahay umad Xoolo-dhaqato ah oo reer Miyi ah, Deegaankuna Ahmiyadda uu inoo leeyahay waa wax nolosha dadkeena iyo umaddeenu ay ku fadhiyaan qiimo weyn-na u leh oo marnaba aynaan ka maarmayn, Haddii aynu dhawran weyno oo uu inaga xumaadana Nolosheenii iyo horumarkeenii ayey wax weyn u geysanaysaa. Waxana aanu ku hawlgelaynaa Hawlahaas ay u baahan tahay oo dhan si loo nabadgeliyo Deegaanka Qaran ahaana aynaan wax aynu kala hadhnaa jirin.” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Ugu dambayntii waxa Halkaas shahaado sharafyo lagu Guddoonsiiyey xubno firfircoon oo wasaaaradda Deegaanka Gobolada, Degmooyinka iyo Xaruntaba u jooga, kuwaas oo shaqo hufan iyo xilkasnimo waafi ah muujiyey.
Wasaaradda Deegaanka iyo horumarinta Reer Miyiga ayaa ka mid noqonaysa wasaaradaha Xarumaha gaarka yeeshay intii ay jirtey Xukuumadda madaxweyne Siilaanyo, waxaan haatan ka hor dhismayaal cusub oo ay leeyihiin loo sameeyey wasaarado badan oo dalka halbawle u ahaa, kuwaas oo markii hore ku jirey dhismayaal Gaboobay amaba aqallo kiro ah geli jirey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:
Post a Comment