“Muuse, Cabdicasiis ka hadhye, Raggaa kale hadday isla soo taagaan, ma sidii berigii annaga UDUB qoorta nalooga qabtay baa looga qaban doonaa?.....” Ismaaciil-Yare
“Wixii lagu dhawaaqay waxay ahaayeen…Waaxaan leeyahay haddii wax idinkaga xidhnaayeen waa fasax, anaa fasaxay in la isa sharraxee dadku ha isa-soo sharraxaaan…” Xasan Goofaadhi
Hargeysa, 20 April, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii RAYS Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi) oo Ururkiisu ka mid ahaa Ururradii u tartamay doorashadii Golayaasha deegaanka Somaliland ee hadhay, ka dibna ku biiray Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa si rasmi ah shaaca uga qaaday inuu yahay Musharrax u tartamaya jagada Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE marka la isugu yimaaddo shirweynaha saddexaad ee Xisbigaas.
Xasan Goofaadhi oo uu weheliyo Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii doorashada ku hadhay ee DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare), ayaa sharci-darro ku tilmaamay go’aan lagu dhex-dhexaadiyey horraantii sannadkan dhinacyada Xisbiga KULMIYE oo dhigayey inaan hoggaanka hadda ee KULMIYE lagula tartamin hoggaaminta Xisbiga shanta sano ee soo socda. Hase-yeeshee, waxay ku doodeen labadan Siyaasi in markii ay ku biireen KULMIYE ay ku heshiiyeen inay hankooda ka dhex-muujiyaan Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE.
“Marka hore waxaan caddaynayaa inaan ahay oo u taaganahay Musharraxa Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Xisbiga KULMIYE ayaan caddaynayayaa. Waxaan raacinayaa markii aannu Ururradii soo galay Xisbiga KUKLMIYE aannu ka mid ahayn Ururradayadii Rays iyo Dalsan, waxaannu nimi xilli uu Xisbiga Shirweyne foodda ku so ohayo, waxaannu ku heshiinnay waxaannu hunguri qabno inaannu Shirweynaha ku muujinno. Sidaad ka war-qabtaan shirweynahaasi mudda sannad ah ayuu kolba dib u riixmayey, waxaynu soo gaadhnay wakhtii sannad iyo laba bilood laga taagan yahay xilligii uu ahaa inuu qabsoomo shirweynahaasi, muddaduna aanay illaa hadda cayinnayn, inkastoo aan filayo inay foodda innagu soo hayso.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Maxamed Goofaadhi oo hadal ka jeediyey Munaasibad uu shalay ku qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa oo uu ku shaaciyey musharraxnimadiisa.
Waxaanu Mr. Goofaadhi intaa sii raaciyey oo yidhi; “Tii waxay noqotay Xisbigii aannu shirweynihiisa sugaynay intay hoggaanka iyo inta ku dhawi meel fadhiisto inay yidhaahdaan; ‘shanta sano ee soo socotana ha innoo xidhnaado Xisbigu; arrinkaasi arrin aannu filaynay, meeshana leeg, sharci ahaanna bannaan maaha. Anigu haddaan Xasan ahay habeenkii go’aankaa la gaadhay-ba Subaxeedii waannu is-aragnay hoggaanka Xisbiga waannu is-aragnay iyo Guddoomiyaha, waxaan ku idhi; ‘arrinkaasi waa arrin khalad ah, mana qabato meesha, mana raacsani, qof ahaanna waan ka soo horjeedaa, hankaygana waan leeyahay, kiina waa kaas aan maanta la taaganahay.”
“Arrinkaasi hindise ayuu ahaa, dadku wax badan bay is-weydiinayaan, dadka qaar baa go’aan u haysta, go’aan maaha ee waa hindise ay cidi soo jeedisay, waana wax la diidi karo, lana yeeli karo. Laakiin, waxa ka xaasil ah sharci uu dhabarka ku hayaa ma jiro. Shirweynuhu waa Hay’ad Dastuuri ah oo sharci ah oo leh amcaal sugan oo ay tahay inuu fuliyo, acmaashaa waxaa ka mid ah in la is-doorto oo hoggaanka Xisbiga iyo dhismaha Xisbiga la isku doorto, oo Golihiisa dhexe lagu doortay, wuu taagan yahay, cid baajin kartaana ma jirto, cid go’aan ka gaadhi karta oo dibedda ku soo dhammayn kartaana ma jirto, waxaa lagu dhawaaqayna wuxu ahaa Hindise.” Sidaa ayuu yidhi Xasan Goofaadhi.
Waxaanu intaa ku ladhay; “Haddii ay go’aan tahay looma baahna inay dadka ka yimaaddaan Ceerigaabo, ama Laascaanood, ama Saylac iyo gobollada dalka ee intaa u dhaxaysa inay ka yimaaddaan oo ay laba Maalmood halkan (Hargeysa) yimaaddaan oo hindise gacanta u taagaan looma baahnaadeen. Laakiin, dadku codkoodii bay leeyihiin, hoggaankoodii inay doortaan bay leeyihiin, sababta ay Shirweynaha u imanayaanna waxa weeyaan inay muddada labada shirweyne u dhaxaysa ku doortaan shirweynahan hoggaankoodii, taasaanay tahay inay fusho.”
Xasan Goofaadhi waxa uu ku dooday in Urur-siyaasadeedkii Rays ee doorashadii dawladaha hoose ku hadhay KULMIYE la soo galay sagaashan kun oo cod, isla markaana Masuuliyiinta, taageerayaasha iyo dadkii Ururka soo taageeray KULMIYE u yimaaddeen inay mansabyo u qalma helaan, waxaanu yidhi; “Taageerayaashii wakhtigoodii iyo hantidoodii geliyey Rays waxay doonayaan inay ka muuqdaan KULMIYE, sagaashankooda kun ee codna ay meel kaga fadhiistaan KULMIYE, tii baan u taaganahay oo ay maantana doonayaan. Jawaab ku filan mahayo markaan idhaahdo Xisbigii waan iska-dhex-taaganahay, jawaab ku filan maaha, mana noqonayso. Markaa, waxaan ugu jawaabayaa taageerayaashii iyo dadkii ehelka ahaa xilalka Xisbiga ayaynu doonanaynaa.”
Waxaanu soo jeediyey in Xisbiga intii joogtay haddii xilalka jiraa ku fillaan waayaan in Xisbigu gudhayo oo uu oodmayo, dadkiisuna koobnaanayaan, ee taa beddelkeeda in loo banneeyo Ururradii ku biiray Xisbiga KULMIYE inay wax ka helaan. “Waxaan leeyahay KULMIYEYOOW meel banneeya, haddii Xisbigu xidhnaado wuu gudhaya oo wuu oodnaanayaa, dadkiisuna way yaraanayaan.”ayuu yidhi Xasan Maxamed Goofaadhi.
Xasan Goofaadhi waxa uu dhalliilay qaabka loo qaybiyey Ergooyinka Xisbiga KULMIYE ee hab-beeleedka ah, waxaanu yidhi; “Xisbigu ha xidhnaado oo yaan la is-dooranti waxa uu dhalay, in la yidhaahdo; ‘Ergada Shirweynuhuna reero haku timaaddo’. Waxaa maanta hubaal ah inuu cid walba u furan yahay in Ergada Shirweynaha KULMIYE ay fadhiisato, kii Xisbiga ahaa, kaan ahayn, kii xisbiga kale ahaa, intuba dhaxal reer bay hareeraha ka fadhiyaan waxaanay diyaar u tahay Xisbiga KULMIYE inay Ergadiisa ka mid noqoto, waxaana u jideeyey oo u sharciyeeyey qaabkaa la yidhi reeruhu haku yimaaddaan. Qofka aan Xisbiga ahayn ee Ergadiisa soo gala ee Shirweynihiisa yimaaddaa wuxu doonaa buu ku samayn karaa Xisbiga, taasina Xisbigaanay dani ugu jirin.
Xasan Goofaadhi wuu sii watay hadalkiisa waxaanu yidhi; “Waxaannu leenahay Xisbigu waxa uu Xisbinnimadiisii ku soo ceshan karaa, isagoo sharciga, nidaamka iyo Xeerka u dejisan Dastuurka Qaranka ee ay Wakiilka uga yihiin Guddiga diiwaangelintu iyo Xeerka gaarka ah ee Xisbigu leeyahay shuruucda ku taalla in la fuliyo ayuu Xisbigu wax ku noqon karaa oo uu ku kori karaa. Waxaan leeyahay dadweynaha taageera Xisbiga KULMIYE ee ah Ergada shirweynihiisa soo socota arrinkaa berigii dhawayd lagu dhawaaqay ee la yidhi ha innoo xidhnaado Xisbigu sharciga melena kagama jiro, markaa waxaan leeyahay waa inaad ka soo horjeesataan inuu xataa noqdo qodob ka mid ah ajandaha Shirka, taas ayan idinku dhiirrigelinayaa.”
“Waan muujiyey anigu hankaygii, dad badan oo sheegay inay Musharrixiin yihiin way jiraan, qaar badan oo guuxayaana way jiraan, waaxaan leeyahay haddii wax idinkaga xidhnaayeen waa fasax, anaa fasaxay in la isa sharraxee dadku ha isa-soo sharraxaaan.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii RAYS Xasan Maxamed Goofaadhi.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedkii DALSAN Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil-yare) oo Ururkiisu ka mid ahaa Ururradii ku hadhay doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland, ka dibna ku biiray Xisbita talada haya ee KULMIYE sida uu sharcigu dhigayo, ayaa isaguna halkaas ka hadlay, waxa uu sheegay inaanu jirin sharci u diidaya inuu Goofaadhi xilkaas isu-sharraxo.
Ismaaciil-yare oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “In Saaxiibkay Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi) isu sharraxo Guddoomiye Kuxigeenka koowaad ee KULMIYE aad baan ugu faraxsanahay, Xeerka iyo Sharciga uu KULMIYE dhigtay ee yaallaana wuu u fasaxayaa wuu u oggol yahay inuu isa soo sharraxo, wax u diidayaa ma jirto. Waa laga yaabaa mararka qaarkood in la yidhaahdo; ‘in sidaa iyo sidaa la yeelo ayaa habboon, qoladaa waxaa halloo daayo’ taasi waa wax xal ah uun. Laakiin, sharcigii waxba kamay beddelin, waayo? Sharciga meesha lagu beddelaa waxa weeye Shirweynaha marka la isugu yimaaddo ayuun baa sharcigii yaallay Shirweynuhu wax ka beddelaa, waxna ku kordhiyaa. Laakiin, xal wuu dhacaa in la yidhaahdo halkaa iyo halkaa waxaa hallaga beddelo.”
“Waayo? Muuse Biixi-ba waxaa la tartamayay Cabdicasiis Samaale, Cabdicasiis-na waxa la yidhi; ‘uga hadh ha isla sharrixine, Cabdicasiisna sidiii buu kaga hadhay. Laakiin, waxay dhici kartaa Rag kale oo aan la arkayn oo qarsooni inay isa soo taagaan. Markaa, Raggaa kale hadday isla soo taagaan, ma sidii beriigii annaga UDUB qoorta nalooga qabtay baa looga qaban doonaa? Maya baan leeyahay!” sidaa ayuu yidhi Ismaaciil-yare.
Waxaanu Ismaaciil oo hadalkiisa sii wataa intaa ku ladhay; “Waa wax sharciga iyo Xeerku dhigayo inuu qofku isa soo sharrixi karo, sida uu Madaxweynaha Sharcigu u dhigayo inuu laba teeram isa soo sharrici karo, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) laba teeram buu xaq u leeyahay mid wuu isa soo sharraxay, ka labaadna wuu isa soo sharrixi karaa isagoo iska daaya mooyee, isagoo isa soo sharraxaya cid kalena way isla soo taagi karaan, nasiibkoodana way ka qaadayaan.” Waxaanu Ismaaciil sheegay in is-sharraxaadda furani KULMIYE dan u tahay.
Ismaaciil-yare waxa uu sheegay haddii ay KULMIYE sidaa wax kaga waayaan inay samayn doonaan Urur la yidhaahdo Dal-Rays, waxaanu yidhi; “Qolooyin baa halkan kalahaa malaa Ismaaciil-na waa musharrax, anigu musharrax ma ihi oo horaan u sheegay, haddii aannu KULMIYE sidaa wax uga wayno waxaannu samayn doonnaa aniga iyo Xasan Dal-Rays Urur la yidhaahdo, Dal-Rays waa dal barwaaqo ah oo waa Dalsan iyo Rays oo la isku daray, taasaa iman doonta. Markaa, waxaan leeyahay qolada KULMIYE deg-deg Xasan codkiinna u siiya una oggolaada, intii Dal-Rays idinku soo bixi lahaa.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment