Hargeysa (Himilo)- Hoggaanka Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden, ayaa maanta shahaado-sharaf ku maamuusay Wasiirka Wasaaradda Madax-tooyada Somaliland Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ay ku ammaaneen hawl-karnimo iyo dedaal uu ka muujiyo hawlaha shaqo ee uu Qaranka u hayo.

Wasiirka madaxtooyada, ayaa shahaado-sharaftan ku guddoomay kulan xarunta madaxtooyada ku dhex-maray Guddiga Jaaliyadda Somaliland ee dalka Sweden oo booqasho ku jooga dalka.

Waxa kulankan ka qayb-galay Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xasan oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Xasan Cabdi Madar, halka dhinaca guddiga Jaaliyadda ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyaha Daladda Guud ee Jaaliyada Somaliland ee Dalka Sweden Md Zakaria Hasan Wacays oo ay wehelinaysa Safiirka Somaliland u fadhiya dalkaas Marwo Rooda Cilmi Jaamac.

Guddoomiyaha Daladda oo ugu horeyn halkaas ka hadlay, ayaa yidhi, “Sharaf weyn ayey ii tahay anniga iyo dhamaan Jaaliyada Somaliland ee Sweden, Sharaf gaara ayey ii tahay in Safiirkii Somaliland ee Wadanka Sweden in-nala joogo, waxa qadarin iyo sharaf noo ah in maanta hadii aanu nahay daladii guud ee Jaaliyadaha Sweden, aanu u garanay kuna maamuusayno wasiirka Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali Xaaji Xasan Wax-qabadka aan la qarin Karin ee uu dalka u qabtay muddadii uu xilkan wasiirnimada ah hayey, waxaana aanu wasiirka ku dhiirigelinaynaa, qof kasta oo waxqabta ama horumar ummadda u sameeya, dhibta lagama daayo balse annagu garabkaaga ayaanu taaganahay, waxaana aanu ku leenahay Wasiir ha ka daalin hawsha aad qabatay hadaanu nahay reer Sweden-na waxa aanu ku gudoonsiinaynaa shahaadada waxqabadkaagii aad ku mutaysatay, waxaana aanu ku leenahay Ilaahay garabkaaga ha galo, waana aanu kula shaqaynaynaa Gudo iyo Dibedba.”

Waxa kale oo halkaas ka hadlay Safiirka dalka Sweden u fadhiya dalka Sweden Rooda Cilmi Jaamac, ayaa ka hadashay ujeeddada kulanka dhexmaray Wasiirka Madaxtooyada, waxaanay tidhi, “Aad ayaan ugu faraxsanahay in aanu halkan wada joogno Jaaliyada Guud ee Dalka Sweden, Gudida Jaamacada Timacade ee Gabiley, iyo aniga oo ah safiirka Somaliland ee Dalka Sweden in aanu halkan ugu sharafno gudoonsiinana shahaadadan sharafta mudan ee wasiir ku mutaystay, hawsha uu qarankan u hayo, anaguna aanu u ognahay hadaanu nahay Jaaliyada reer Sweden.

Marwalbana aanu ku taageeraynaa hawsha wayn ee ay wadanka u hayaan dawlad ahaan haday yihin iyo haduu wasiirba yahay.

Runtii Jaaliyada dalladda guud ee Sweden ayaa soo abaabushay hawshan madaama aan aniguna safiirkii ahay waan kala soo qaybgalay, waanad ku mahadsan yihiin inaad igu soo casuuntaan halkan marka saddexaad waxa aan aad ugu faraxsanahay hawlkarnimada iyo waxa aad wadanka u qabanaysaanba aad iyo aadna waan idinku mahad celinaynaa.”

Ugu danbayn, waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md Xirsi Cali Xaaji Xasan oo jaaliyadda uga mahad-celiyey shahaado-sharafta ay ku maamuuseen, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa, “Aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaynaa inaad na sharafteen, noogarateen in aanu ummaddii u shaqaynayno, noogarateen in aad idinku nagu karaamayseen kelmeda Thank You ama waad mahadsan tahay iyo waad mahadsan tahay iyo shahaado sharaftaadka aadna gudoonsiiseen.”
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi, “Waxa aanu is leenahay wixii aanu ummadda u qaban lahayn wax badanbaa noo dhiman, laakinse waanu ku faraxsanahay in dadkayaga dad badan oo garanaya in aanu waxqabanayno oo aanu dedaalayno oo nagu dhiirigelinayaa, waxay noo tahay shidaal inta noo dhiman aanu ku dedaali doono, waana aannu ognahay inta noo dhiman waana aanu ku dedaali doonaa Insha Allaahu.”
Himilomedia.com
No comments:
Post a Comment