Thursday, April 17, 2014

Ciidamada Kenya oo Faarax Macalin ku eedeeyey Al Shabaab




Nayroobi-(Himilo) Ku-xigeenkii hore ee Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa beeniyey xidhiidh ay wadaagaan kooxda Shabaab, ka dib markii looga yeedhay xarunta la-dagaalanka Argagxisada ee ciidanka Booliiska Kenya, si uu uga jawaabo eedaha wareysi uu siiyey telefishanka  Citizen.


"Waxay iga codsadeen inaan hortago waaxda la-dagaalanka Argagaxisada 11 subaxnimo, waanan tegayaa," ayuu yidhi Maalim.


Sida ay sheegayaan xogo laga helay booliiska Kenya, Faarax Maalin waxa laga doonayaa jawaabta xogo sirdoon oo sheegaya inuu yahay taageere shabaab ah.


Farah MaalinWareysi uu shalay siiyey telefishanka Citizen, Farah ayaa ku eedeeyey xukuumada Kenya wax badan ka ogeyd weeraro argagxiso dhowaan dhacay, laakiin doonayso inay ku eedeyso Soomaalida, si ay indhaha bulshada uga leexiso.


"Waa mala’awaal in qof yidhaahdo waxuu xidhiidh la leeyahay Shabaab, isla markaana ay baadhitaan ku sameeyaan xisaabta aan ku leeyahay baanka. Waxaan ahay muwaadin Kenyan ah oo u halgama kasbashada nolol maalmeedkiisa," ayuu sheegay Macalim.


Xildhibaankii hore degmada Lagdera ayaa loo yeedhay markuu dhameeyey wareysi telefishanka Citizen kala yeeshay hawlgalkii  Usalama Watch.


"Ima baqdin gelinayso yeedhmada booliisku, kama werwersani. Waxaan qabaa talaabada xukuumadu u martay la dagaalanka argagxisada aanay natiijo keenayn, inay arrinka sii murgiso mooyee," ayuu yidhi.


"waxa loogu tallogalay beegsashada muslimiinta iyo Soomaalida, isla markaana laga dhigo cunaqabatayn dhaqaale ganacsiga Soomaalida," ayuu raaciyey.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment