Wednesday, April 30, 2014

Talyaaniga oo ka Qayliyey Kumanaan Muhaajiriin ku Wakhtigan ku diyaar ah Xeebaha Liibiya




Napoli 30 April, 2014 (Himilo)- Wasiirka Arrimaha Gudaha Talyaaniga Angelino Alfano, ayaa sheegay in dalkiisu ku fiican yahay soo-dhawaynta dadka muhaajiriinta ah, balse ay halis lama-illaawaan ahi kaga soo waajahan tahay wakhtigan kumanaan magangelyo-doon ah oo diyaar ku ah xeebaha dalka Liibiya.


Mr. Alfano oo ka hadlayey kulan guddiga difaaca iyo arrimaha dibedda u qaalisan aqalka Odeyaasha Talyaanigu su’aalo ku weydiinayeen ayuu sheegay in dadka magangelyo-doonku ka haystaan Talaaniga fikrado ah inay si sahlan ku geli karaan, waxaanu yidhi, "Wada xaajood aan dhowaan ku yeelanay dalka Liibiya waxaan ku ogaanay in dad gaadhaya ilaa 800 kun magangelyo-doon ah diyaar u yihiin inay soo galaan Yurub,” ayuu sheegay. Isagoo raaciyey, “Dadkan ayaa ka soo kala jeeda wadamadda Eretria, Soomaaliya, Sudan, Senigal iyo Gaambiya, waxaana sahlay fikrado ah in sahal loo geli karo Talyaaniga, badashada magangelyo-doonka ah,”


Talyaaniga ayaa walaac ka muujiyey xaaladan kuna tilmaamay mid gebi ahaanba khalkhalgelin doona nidaamka soo dhoweynta magangelyo-doonka, waxaanu sheegay, "Nidaamka soo dhoweynta magangelyo-doonku wuu istaagi doonaa, lama heli doono goobo lagu dejiyo dadka cusub, waxaanay khalkhal gelin doonaan hawl-maalmeedka muwaadiniinta.”


 Wasiirka Arrimaha Gudaha talyaaniga ayaa sheegay in Yurub ogaato,  "Yurub waa inay ogaataan in dalka Talyaanigu soo dhoweyn fiican yahay, laakiin, aanu cid walba meelayn karin.”


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment