Hargeysa, 29 April, 2014 (Himilo)- Shirweynihii saddexaad ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE, ayaa shalay si rasmi ah uga furmay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa, kaasoo muddo badan kolba dib uga dhacayey xilliga qabsoomiddiisa loo muddeeyey khilaafyo kolba hadhaynayey awgood.
Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE, waxaa ka qaybgalay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Marwadiisa, Golaha Wasiirrada, Hoggaanka Xisbiga, 1162 Ergay oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka iyo Xubno Qurbo-joogga ka socday, Masuuliyiin Xisbiyada Mucaaridka ah ka socday, Xubno ka socday Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo Ansixinta Asxaabta Somaliland, Masuuliyiin iyo Marti-sharaf kale oo dhammaantood lagu casuumay Shirkaas.
Jewigii Shirka:
Waxay ahayd madal bilic la ciirciiraysa, waxa indhaha soo jiidanayey midabbada kulmay ee quruxda cagaarku hoggaaminayey, jewiga guud oo markii hore ahaa mid guur-guur badan, gadaal ayuu degganaansho isu beddelay, 1162 ruux, ayaa kun iyo dheeraad ka tirsan aad arkaysay isaga oo qof waliba sita ama haysta Boorso Cagaar iyo Huruud midabkeedu isugu jiro oo dabcan ah midabka calanka KULMIYE, qof kastaa waxa uu tunka ku sitay ama jeeni qaarnaa Maro (Iskaaf) calankaas oo widhwidhaya laga tolay.
Waxaan indhaha dadka madasha joogay mar qudha ka faaruqin aragtida Askar tiro badan oo ammaanka Hoolka shirka, Huteelka iyo nawaaxigiisa sugayey oo isugu jiray qaybaha Booliska iyo ilaalada Madaxtooyada. Intaa waxa ku lammaanaa ama dheeraa Weriyeyaal tiro badan oo iyaguna halkaas ku sugnaa oo dabcan qalabkooda kala duwan watay.
Inkasta oo uu shirku ka dib dhacay wakhtigii loogu talo-galay inuu furmo, haddana xilli abbaaro 1:000 tobankii subaxnimo ayuu Madaxweynaha oo ay Xubno Wasiirro ahi weheliyaan Hoolka shirka yimaaddeen, illaa 1:030-kii ayaa Heesta calanka la shiday oo loo istaagay intii ay socotay oo ay ku heesayeen Kooxda Ciyaaraha ee SOCSA. Abbaaro 11-kii oo Rubux dhiman (1:045), ayaa Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE ee muddada sannadaha ah fooshiisu soo taxnayd, si rasmi ah uu u furmay. Waxa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyey oo shaaciyey inuu shirku furan yahay Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo yidhi; “Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE waa innoo furan yahay..”
Maqnaanshihii Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Ergada Beeshiisa:
Iyada oo ay jireen Beelaha qaar Ergooyinkii ay shirka ku lahaayeen badi ama xubnaha qaarkood aanay joogin ama ka xaadirin shirkaas oo ay qaaddaceen, isla markaana ay Kuraastoodu haawanayeen, haddana waxa si weyn Madasha looga dareemay maqnaansha Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) iyo Ergada beeshiisa oo ay keliya saddex xubnood kaga sugnaayeen intii hore oo dhan kuraastoodii. Waxaana la sheegay inay maqnaanshahaas sababeen dhawr arrimood oo is-biirsaday oo ay ka mid yihiin khilaaf dhinaca saamiga la xidhiidha oo Beelaha kaleba qaarkood ku cabanayeen, Kaadhadhkii Ergada gobolka Awdal (Beesha Samaroon) ka socotay oo Kaadhadhkoodii aanay Madbacadduba daabicin sida la sheegay iyo khilaaf Madaxweyne ku-xigeenka iyo xubnaha hoggaanka Xisbiga la sheegay inuu soo kala dhex-galay. Inkasta oo intii aanay hoolka soo galin ka hor Warbaahinta ugu cawdeen xubno Ergadaas ka tirsani in subaxnimadii shalay Askarta lagu ballamiyey inaanay hoolka shirka soo gelin, qaarkoodna ay ku cawdeen inay Askartu fara-saareen.
Hase-yeeshee, Madaxweynaha oo markii uu Ku-xigeenkiisa madasha ka waayey xubno uu ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyadu Ergo ahaan ugu diray, ka dibna maslaxaad, wadahadal, isfaham iyo is-qancin kooban ka sokow Cabdiraxmaan-Saylici iyo Ergada Beeshiisu way soo galeen hoolka shirarka waxaanu Ku-xigeenku fadhiistay Kursigiisii dhinaca Madaxweynaha oo bannaanaa.
Intaa ka dib maxaa dhacay?
Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo shircigu dhigayo inay Shir-guddoonka Shirweynuhu doorto ku wareejiyaan hoggaaminta Shirka, ayaa taas gees-maray, isla markaana sii watay hoggaaminta shirka, iyagoo Madaxweynaha oo ay ahayd inuu xidhitaanka shirka Khudbaddiisa jeediyo ku soo dhaweeyey cod-baahiyaha, balse uu Muuse Biixi oo cadho badan laga dheehanayey wejigiisa intuu soo kacay la wareegay Cod-baahiyaha, isaga oo dagaalay Wiilka markaas gacanta ku hayey, ka dibna halkaa ka sheegay sixitaan sharci oo ay Guddigu gees-mareen. “Sida sharcigu dhigayo Guddiga qaban-qaabadu waxay hoggaaminta Shirka ku wareejinayaan Shir-guddoonka Shirweynuhu doorto, shaqadada Guddiga qaban-qaabaduna halkanay ku dhammaanaysaa marka Guddiga la doorto.” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo cadhaysani.
Doorashada Guddiga Shir-guddoonka Shirweynaha:
Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabada Shirweynaha Saddexaad ee KULMIYE Abiibakar Xaamud Jibriil oo markaa ka hor hadal uu kaga warramay marxaladihii hawlaha qaban-qaabada shirku soo mareen halkaa ka jeediyey, ayaa magacyada toddoba xubnood ka yeedhiyey shirkaas, kuwaasoo uu soo jeediyey in loo codeeyo inay noqdaan Guddiga Shir-guddoonka Shirweynaha oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Gaashaandhigga Axmed Xaaji Cali Cadami iyo Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, oo inkasta oo dadka qaar ka soo horjeedeen haddana Ergada shirweynuhu badi u codeeyey, ayaa hawsha hoggaaminta shirka si buuxda ula wareegay. Waxay Shir-guddoonku sheegeen in shalay ahaan ajandaha Shirku ahaa Khudbadaha Madaxweynaha, Guddoomiyaha Xisbiga, Xubnaha Marti-sharafta ah ee Xisbiga Mucaaridka ah laga soo casuumay, maanta ahaanna doorashada hoggaanka Xisbiga iyo Ansixinta sharcigiisa dood ka dib la isugu iman doono.
UCID IYO WADDANI:
Waxa cod-baahiyaha lagu soo dhaweeyey oo halkaa hadallo bogaadin iyo soo dhawayn ah ka jeediyey Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Maxamed Cabdillaahi Uur-cadde iyo Ku-simaha Xoghayaha guud ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Yuusuf Qodax, kuwaasoo Xisbiga KULMIYE ku hambalyeeyey qabsoomidda shirweynihiisa saddexaad oo muddo sannado ah wakhtigiisii dib uga dhacay, una rejeeyey inuu guul ugu dhammaado.
Maxaa laga filayey Xasan Goofaadhi?
Xasan Maxamed Cali (Goofaadhi) oo hore u shaaciyey inuu yahay Musharraxa jagada Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE, isla markaana laga filayey in rabitaankiisu iyo diidmada hoggaanka mar kale soo noqoshada diyaarsaday ee KULMIYE Shirka khilaaf ka dhex dhalin doonto, ayaa xaaladda wax ka beddelay, waxaanu halkaa ka shaaciyey inuu u tanaasulay Maxamed Kaahin oo isagu hore u fadhiyey kusoo noqoshadiisana isu diyaariyey Kursiga Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee KULMIYE.
Guddoomiyaha KULMIYE:
Guddoomiyaha Xisbiga shirweynihiisa loo fadhiyey ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo halkaas khudbad ka jeediyey, ayaa sheegay in Xisbiga KULMIYE Shirarkiisu yihiin kuwo ay ka soo baxaan go’aammo qurux badan, isagoo tilmaamay inay Labeentii Bulshada iyo Hal-doorkii reer Somaliland Rag iyo Dumar-ba ku kulmeen Xisbiga KULMIYE.
“Maanta waxa inoo sharaf ah dhammaanteen inaanka soo qayb-galley shirweynihii saddexaad ee xisbiga Kulmiye oo ah guul-siyaasi ah oo u soo hoyatay Somaliland, waa waajib uu fuliyey xisbigu oo uu raacay dastuurkiisa oo muddeynaya in shantii sanno-ba mar isu-yimaaddo xisbigu oo mustaqbalka ka taliyo wixii qaladaad ah ee taariikh ku saxo. Kulmiye waa xisbi guul-weyn. Waa xisbi ay ku kulmeen hal-doorkii Somaliland, rag iyo dumarba, Aqoonyahankiisii iyo intii dalka laxe-jecladeedu ku mudan tahay ee Somaliland danaynaysay.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.
Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Ergada halkan isugu timi waxaan ku dar-daarayaa, waxa laynaga sugayaa shantii sanno taladii lagu dhaqmi lahaa ee qaranka lagu horumarin lahaa. Waxaan ku kalsoonahay in shirkani baal dahab ah ka geli doono taariikhda Somaliland. Intii dalku jiray iyo saddexda Sanno ee Kulmiye dalka hoggaaminayey, hadday isle’ekaan weydo, Kulmiye waxba muu samayn.”
Gunaanadkii Madaxweynaha:
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo isaguna Gebo-gabadii wejiga koowaad ee maalinta koowaad, oo halkaas ka sheegay inay Xukuumadda KULMIYE muddadii ay xilka haysay in ku dhaw boqolkiiba boqol ballan-qaadyada ay galeen wakhtigii ololihii doorashada madaxtooyada ay ka jawaabtay, isla markaana ay dhinacyo badan oo isugu jira siyaasadda arrimaha dibedda, gudaha, waxbarashada, caafimaadka, biyaha, nabadgelyada, aqoonsi-raadinta iyo dhismaha Xafiisyada dawladda ay fulisay.
Maxaa Cusbaa?
Shirweynahan saddexaad ee Xisbiga talada haye ee KULMIYE oo noqonaya kii ugu raagista iyo rafadka badnaa ee soo mara Xisbigaas waxa uu noqonayaa kii ay isugu yimaaddaan Ergadii ugu tirada badnayn ee soo fadhiisata Shirweyne uu leeyahay Xisbiga KULMIYE, kuwaasoo ay tiradooda soo xaadirtay shalay dhammayd 1162 Ergay, sida ay Guddigii qaban-qaabada Shirweynuhu furitaankii Shirkaas ka sheegeen.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment