Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta
Nairobi, 19, April, 2014-(Himilo)- Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa sheegay in Soomaalidu ay doonayaan inay burburiyaan Kenya, isagoo sheegay inay Ciidammada Kenya ka hortagaan in dalkooda ay burburiyaan.
Kenyatta ayaa hadalkan ka sheegay tabobbar loo soo xidhayey Ciidammo Booliis ah, isagoo sheegay in howlgallada ay sii socon doonaan illaa dalka Kenya nabad laga dhigayo. “Soomaaliya waa dal aan dawlad laheyn muddo dheer, markaa Soomaalidu waxay doonayaan inay dalkeenna u bur-buriyaan sidii ay dalkooda u burburiyeen. Markaa, waan iska celinaynaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha dawladda dawladda duullaanka ku ah Soomaalida ee Kenya Uhuru Kenyatta. Waxaanu intaas ku daray inaanay Soomaalidu dalkooda dhibaato la joogin, balse ay Kenya iyo dalal kale dhibaatooyin geliyeen.
Madaxweynaha Kenya ayaa ka digay in la siyaasadeedyo howgallada ay ciidamada Kenya ka wadaan magaalada Nairobi, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay dalka ka dhoofiyaan cid walba oo aan sharci lahayn.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi; “Soomaalidu markii dalkoodu burburay waxay u kala firxadeen dalal badan oo ay ka mid tahay Kenya, waxaanay billaabeen inay isku dayaan inay dalalkaas burburiyaan, go’aanka aan dalkeenna uga saarayno dadka sharci-darrada ah waa inaanay u helin fursad inay dalkeenna burburiyaan.”
Hadalka Madaxweynaha Kenya, ayaa imanaya isagoo Nairobi kulan kula qaatay Xildhibaannada Soomaalida ah ee ku jira Baarlamaanka Kenya, kuwaasoo uu u sheegay in howgallada socda ee Ciidammada dalkiisu ku wadaan Soomaalida ku dhaqan dalkaas, gaar ahaan Caasimadda Nairobi uu yahay in in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga haysan ay ka saarayaan Kenya.
Ciidamada amniga Kenya waxay dhawaanahan howlgallo ka wadeen Islii oo ah Xaafadda ay ka deggen yihiin Soomaalidu magaalada Nairboi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo howlgalladan lagu soo qabqabtay Soomaali badan oo qaarkood dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho, halkan dhawr kun oo kale oo Soomaali ah ay Boolisku ku xidheen Saldhigyada dalkaas.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment