Tuesday, April 29, 2014

Cali Khaliif Oo Durbaanno Colaadeed ka Garaacaya Taleex Iyo Kalfadhiyada Baarlamaankii uu u Dhaartay Ee Somaliya Oo Laga Baafinayo




Taleex (Himilo)-Dagaal Ooge Cali Khaliif Galaydh oo Haatan Xaalad Dagaal iyo sidii uu iskugu diri lahaa dadka Reer Somaliland ka wada Deegaanka Taleex ayaa laga Baafinayaa  Golihii uu ka tirsanaa ee Baarlamaanka Somaliya.


cali khaliifCali Khaliif  oo  markii uu Garwaaqsaday inaanay waxba ka soconaynin Hammigiisii ahaa inuu sameeyo Maamul Khaatumo uu ula Baxay Go’aansaday   Magaalada Muqdisho iska Degey, ayaa Toddobadkii hore dib ugu soo Noqday Deegaanka Taleex oo ka tirsan Gobolka Sool.


Waxa uu Cali Halkaas ka wadaa Abaabul Colaadeed iyo Nacayb uu kala dhex dhigayo shacabka reer Somaliland ee Deegaanadaas ku Nool iyo Ciidamadooda qaranka oo Haatan mar ay Halkaas Tageen ay si fiican u soo dhaweeyeen.


Sidoo kale waxa uu ku mashquulsan yahay sidii uu u abaabuli lahaa Ciidan-Beeleed dibad wareeg ah oo deeganadaas  si habaqle ah ugu sugan, kuwaasoo uu doonayo inuu isku abaabulo si ay dagaal ula galaan Ciidanka Qaranka Somaliland oo Haatan fadhiya deegaano aan sidaas uga fogayn Magaalada Taleex.


Cali Khaliif oo muddooyinkii dambe ku caan baxay Aflegaaddada iyo Nacaybka qaranka Somaliland, isla-markaana ka muraara Dillaacsan Horumarka Diblomaasiyadeed ee Deegaanadaas ay xukuumaddu ka gaadhay, kuwaas oo ay kusoo xerogelisay qaar ka mid ah isimaddii cadhada kaga maqnaa ayaa raadinaya xeelado kale oo uu markale faquuq iyo necayb ku kala dhex dhigo shacabka deegaankaas ku dhaqan oo haatan ka Daalay Dagaalada iyo colaadaha uu kula dhex wareegayo.


Waxa uu cali  dadka Deeganadaas  u horseeday dib-u-dhac  iyo horumar la’aan ay kaga dambeeyaan deegaanada kale ee ay Somaliland Gacanta ku hayso oo haatan ku naaloonaya Nabad, Horumar iyo xasilooni dhinac walba ah.


Inkastoo shacabka Deegaanadaasi ka daaleen Durbaanada colaadeed ee uu Cali khaliif tumanayo, haddana wali ciidanku iskuma ay deyin inay  Gacan wax kaga  qabtaan Dagaal Oogahaas fidno abuurka Caanka ku ah.


 


Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Jawaari ayaa Furitaanka Kalfadhiga Baarlamaanka ka Baafiyey Tiro xildhibaano ah oo uu Cali Khaliif ku jiro, waxaana uu ka codsay inuu si degdeg ah Xidhiidh ula soo Sameeyo Baarlamaanka si uu shaqadiisa u guto.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment