Muqdisho, 23 April, 2014 (Himilo)- Qaramada Midoobay iyo Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ayaa si adag uga hadlay saddex dil oo shalay illaa dorraad laga fuliyey magaalada Muqdisho oo laba ka mid ah lagu khaarajiyey laba Xildhibaan oo Baarlamaanka ka tirsanaa, ka saddexaadna ahaa Wiil Weriye ah, kuwaasoo ay dilalkooda sheegatay Kooxda Al-Shabaab.
Hawlgallada labada Xildhibaan iyo Weriyaha lagu dilay oo dhawrka qof oo kalana lagu dhaawacay labada maalmood ee is-xiga ee shalay iyo dorraad, ayaa ku soo beegmay xilli Muqdisho uu maalmo ka socday Shirweyne lagaga hadlayey adkaynta ammaanka Caasimadda Muqdisho.
Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa laamaha ammaanka iyo Ciidamada dawladda ku eedeeyey inay baylihiyeen ammaanka Caasimadda Muqdisho, isla markaana sheegay inay dhayalsigooda ka faa’iidaysteen kooxaha nabad-diidka ah ee bartilmaameedsanaya Mudanayaasha Golaha Wakiilka ka ah Shacabka Soomaaliyeed, iyagoo si kulul Xildhibaannadu u cambaareeyey weerarrada lagu dilay labada Xildhibaan iyo Weriyaha.
“Mursal waa Mudanahii labaad ee lagu dilo Muqdisho in ka yar 48 saacadood gudahooda. Muddanaha kale oo la yidhaahdo, Isaaq Maxamed Riino, ayaa shalay (dorraad) la dilay, labada dil-ba waxaa sheegtay Al-shabaab. Waxaan aad uga xumaaday dilka Mudane Cabdicasiis Isaaq Mursal, waxaanan si adag u cambaaraynayaa dilkan. Waxaa kale oo i xanuunjiyay dil kale oo xalay magaalada Muqdisho loogu gaystay Weriye. Warbaahinta waa in loo oggolaadaa in ay howshooda u wataan si aan cabsiyi ku jirin.” Sidaa ayaa lagu yidhi war qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Nicholas Kay ee magaalada Muqdisho.
Dabley aan heybtooda la garanaynin ayaa dilay Weriye u shaqaynayay Raadiyaha Dalsan oo lagu magacaabi jiray Muxamed Xasan Amar, waxaana fiidnimadii habeen-hore lagu dilay suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, ilaa immikana dilkiisa cid loo qabtay ma jirto, cid sheegatayna aanay jirin.
Nicholas Kay oo weerarrada qorshaysan ee dorraad illaa shalay ka dhacay Muqdisho ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan ka walaacsanahy weerarka ka soo cusboonaaday maalmahan Muqdisho. Waxaa naga go’an in aan sii wadno taageeridda aan u hayno dadka Soomaaliyeed iyo wakiiladoodaba maadaama ay ugu howlanyihiin xaqiijinta rabitaankooda iyo kan dadkoodaba, taas oo ku aadan sidii ay ku gaari lahaayeen mustaqbal ay ku dheehantahay xasilooni iyo degenaasho.”
“Dadka Masuulka ka ah dilalkan arxan la’aanta ah, ma hayaan wax kale oo ay u siiyaan dadka Soomaaliyeed oo aan ka aheyn in ay sii wadaan qaska iyo ammaan-darrada. Waxaan ugu baaqayaa dowladda in ay si dhaqso ah u baadhto weerarradan una hor keento Maxkamad Dembiilayaasha sida ugu dhaqsaha badan,” ayuu ku yidhi qoraalkiisa Ergaygaa Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.
Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo ka hadlay shir aan caadi ahayn oo ay Golaha Wasiirrada Xukuumaddiisu shalay ku yeesheen Muqdisho, ayaa isaguna si kulul u cambaareeyey weerarrada lagu bartilmaameedsanayo u adeegayaasha Bulshada ee Xildhibaannada iyo Weriyeyaasha aan waxba galabsan, waxaanu sheegay in kuwii dilalkaas fuliyey maalin uun caddaaladda hor-tegi doonaan.
Kooxda nabad-diidka ah ee AL-Shabaab, ayaa iyagu masuuliyadda weerarradaas lagu dilay labada Xildhibaan shalay iyo dorraad-ba sheegtay, isla markaana ku tilmaamay weerarro qorshaysnaa oo guulaystay. Waxay xubno u hadlay Al-Shabaab Warbaahinta afkooda ku hadasha u sheegeen in weerarradani yihiin kuwo qorshaysan oo farriin u ah Shirka xasilinta ammaanka Muqdisho ee isla magaaladaas ka socday maalmihii u dambeeyey.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Soomaaliya Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isagu ka qaybgalay shirka Ammaanka, ayaa Warbaahinta u sheegay markii dilka Xildhibaanka labaad oo isaga Gurigiisa ay ku weerareen Kooxo Baaskoolada ku haybasani dhacay, ka dib waxa uu Warbaahinta u sheegay inay dilka Xildhibaan Mursal u soo qabteen illaa saddex qof oo uu xusay inay qaarkood yihiin kuwo la aamminsan yahay kuwii dilka Xildhibaanka fuliyey.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment