Hargeysa, 23 April, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kula kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Hargeysa Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale iyo xubno la socoday, kulankaasoo saacado qaatay, ayay Madaxweynaha iyo Garaadku kaga wadahadleen arrimo kala duwan oo door ah.
Kulankaas saacadaha socday waxaa Madaxweynaha iyo Garaadka ku weheliyey Madaxweyne Ku-xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirrada Wasaaradaha Hawlaha Guud, Madaxtooyada iyo xubno Xildhibaanno ah oo xagga dawladda ah iyo Garaadka, Odayaal, Wax-garad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool oo Garaadku hoggaaminayey.
Shirkaas ayaa Saxafaddu dibedda ka joogtay, hase ahaatee markii uu dhammaaday waxaa Warbaahinta faahfaahin kooban ka siiyey nuxurka waxyaabaha lagaga wadahadlay Afhayeenka Madaxtooyada Axmed Saleban Dhuxul, kaasoo ka warbixiyay arrimaha laga wadahadlay.
Afhayeenka Madaxtooyadu waxa uu sheegay in Madaxweynaha Somaliland hore Beelaha gobollada Bariga uu u fidiyey gogol nabadeed markii uu talada dalka qabtayba, isla markaana uu ballan-qaaday in hannaanka dawladnimo iyo adeegyada horumarineed ee dawladdu waddo la gaadhsiiyo meel kasta oo Somaliland dalkeeda ka mid ah, kulankanina uu qayb ka ahaa arrimahaas.
“Madaxweynaha Somaliland, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirrada Madaxtooyada iyo Hawlaha guud waxay maanta (shalay) xarunta Madaxtooyada ku qaabbileen Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, Odayaal, Wax-garad, Masuuliyiin iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Sool.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul.
Waxa uu Afhayeenka oo hadalkiisa sii wataa intaa ku daray; “Garaad Jaamac, Cuqaasha, Odayaasha iyo Wax-garadka kale ee la socday ee Madaxweynuhu ku qaabbilay Madaxtooyada waxay ka warrameen sida ay mar walba diyaarka ugu yihiin Qarannimada Somaliland iyo meel-marinteeda, siday mar walba diyaarka ugu yihiin inay wax ka qabtaan wixii nabadgelyo-darro ku keenaya dalkeenna iyo dadkeenna. Waxa kale oo ay Madaxweynaha uga warrameen deegaannada gobolka Sool waxyaabaha ay tabanayaan ee loo baahan yahay in wax lagala qabto iyo baahiyaha jira.”
Afhayeenka oo sii sharraxaya waxyaabaha Madaxweynuhu Garaadka iyo Xubnaha la socday kala hadlay waxa uu yidhi; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu jeediyey hadal dheer oo uu kaga warramayo taariikhda dalkani leeyahay, sidii midnimada lahayd iyo wada-jirka lahayd ee guud ahaanba markii xornimada dalkan loo dagaallamayey ee Ingiriis halganka lagula jiray qaybtii, horumuudnimadii iyo kaalintii ay reer Sool ku lahaayeen. Hormuudnimadii ay ku lahaayeen wakhtigaasi dheer wixii ka dambeeyey halgannadii la soo maray. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu uga warramay go’aankii dib ula soo noqoshada ama dib u sixidda qaladkii dhacay 1960-kii, ee magaalada Burco lagu guddoonsaday in Somaliland ay dib ula soo noqoto madax-bannaanideeda.”
“Reer Sool Garaaddadooda, Cuqaashooda, Wax-garadkooda iyo Siyaasiyiintoodu waxay ka qaateen door muuqda iyo kaalin muhiim, maantana ay taa tahay ta lagu socdo, taasoo uu u sheegay in Midheheedu muuqdaan oo ay yihiin Madax-bannaanida, Qarannimada, Nabadgelyada, ismaqalka iyo kala damaynta dawladnimo,” ayuu yidhi Afhayeenku.
Waxaanu intaa ku sii ladhay oo uu ydihi; “Aad iyo aad baa la isugu warramay, Madaxweynuhana taariikhdaa dheer buu ka soo warramay, waxa uu ka warramay sida ay Xukuumaddiisu mar walba diyaar ugu tahay inay baahiyaha ka jira gobolka Sool wax ka qabato oo ay adeegyada aasaasiga u ah nolosha gaadhsiiso meel kasta oo dalka ka mid ah wixii awooddeeda ah. Kulankaasi jewi fiican buu ku dhacay, jewi farxadeed buu ku dhacay, jewi is-qancin buu ku dhacay, jewi in Qaranka nabaddiisa iyo dhismihiisaba dhinac looga soo wada jeesto ah ayuu ku dhacay.”
“Waxaa Madax-dhaqameedkaa looga warramay guud ahaanba hawlaha dalka ka soconaya, Xukuumaddu hawlaha ay ku mashquulsan tahay dhinac walba, ha noqoto caafimaadka, ha noqoto waxbarashada iyo guud ahaanba adeegyada kale ee aasaasiga u ah nolosha inay dadkeennu helaan.” Sidaa ayuu yidhi Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland.
Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil Ducaale, ayaa Jimcihii todobaadkan soo gaadhay Magaaladda Hargeysa, ka dib markii ay wasiirro xukuumaddu ugu dirtay Dalka Djibouti oo ay ka soo galbiyeen. Garaadka ayaa intii uu joogay ku mashquulsanaa Munaasibaddo casuumaad loogu fidinayay oo Beelaha Reer Hargeysa ku maamuuseen Casuumado dhawr ah Garaad Jaamac, waxaanu kulankan shalay noqonayaa kii ugu horeeyay ee ay Madaxweyne Siilaanyo wada yeeshaan intii Garaadku yimi Hargeysa, waxaanu Garaad Jaamac ka mid yahay Madax-dhaqameedka Rukumada u taagay Maamulka la baxay Khaatumo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment