Thursday, April 17, 2014

Muuse Biixi oo sheegay in la dhammeeyey hawsha Ergooyinka KULMIYE, Sabtida wixii ka dambeeya la guda-galayo Shirweynohooda saddexaad




“Waxaan leeyahay Fooshi way iga dhammaatay, Aw-Koombe la iigu yeedhi maayo, Shirkuna wuu dhammaanayaa…”


Guddoomiyaha Xisbil-xaakimka KULMIYE Muuse Biixi Cabdi


 Hargeysa, 17 April, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga talada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa shaaca ka qaaday in Liisaska Ergooyinka ka soo qaybgalaya Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE ee laga sugayey gobollada iyo degmooyinka dalka dhammaan la soo xareeyey oo ay Guddiga qaban-qaabadu ku jiraan sixitaanka iyo dib-u-eegista Ergooyinka ciddii laga sugayey soo qaybsadeen ee ay magacyadooda soo gudbiyeen.


Muuse Biixi waxa uu sheegay in Sabtida toddobaadka soo socda wixii ka dambeeya la gudagalayo hawlaha qabashada Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo muddo saddex sano iyo dheeraad ah kolba wakhtigiisa ka dib dhacayey, muddadii ugu dambaysay ee loo qabtaynay ay ku dhammaatay 22-ka bishii saddexaad ee sannadkan (22/March/ 2014), dib-u-dhacaas oo ku yimi caqabado kala duwan oo soo food-saaray habsami u socodka hawlaha Xisbiga awgood.


“Nin halkan igula murmay goor dhawayto (shalay subax) Weriyeyaashan yar-yar ka mid ah, wuxu igu yidhi; “Waaryaahe, hee’ Islaamahaa Waliilayaan markay umulayaane waliilki ma kaa baabay, goormaad-se umulaysaa (shirkii goormaad qabanaysaa)? Mise Aw-Koombe ayaannu kuugu yeedhnaa haku jeexee? Aw-Koombe la iigu yeedhi maayo, la ina jeexi maayee, waxaan idiin sheegayaa shirkaas maalin, laba iyo saddex ka dib inuu qabsoomayo.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay hadal ka jeediyey Munaasibad Xisbigu ku soo dhawaynayey xubno cusub oo ku biiray oo lagu qabtay Huteel Maansoor ee magaalada Hargeysa.


Guddoomiye Muuse Biixi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo yidhi; “Waxaanu u taagan yahay (shirku) Ergadii oo dhammaan in la soo xareeyey sida uu saaka (shalay) Guddoomiyaha Guddiga qaban-qaabadu, in qof qof mooyee, dhammaan gobollada iyo degmooyinku ay soo xareeyeen, waxa lagu jiraa sixitaankii iyo sidii kaadhadhka ay u samayn lahaayeen, taasina haddii ay u badato Sababtida wixii ka dambeeya Guddiga qaban-qaabadu Kaadhadhka nin walba way siinayaan. Weriyahana waxaan leeyahay Fooshi way iga dhammaatay, Aw-Koombana la iigu yeedhi maayo, Shirkuna wuu dhammaanayaa.”


Shirweynaha saddexaad ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaan weli muddo rasmi ah qabashadiisa loo cayimin, ka dib markii uu dib uga dhacay wakhtigii ugu dambeeyey loo muddeeyey in la qabto oo ahayd 22/March/2014, xilligaas oo markii uu ka dib dhacay intii ka dambaysay ay Masuuliyiinta Xisbigu sheegaan inay maalmo iyo ayaamo ka dib qabanayaan Shirweynohooda saddexaad oo saddaxdii sano ee u dambeeyey kolba wakhtigiisa dib uga dhacayey caqabado siyaasadeed oo ku xeeran awgood.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment