Monday, April 28, 2014

“Xisbiga kulmiye waxaanu u haysanaa xisbi ay u dhamaatay Maanta oo goraygu ka hadaafay, xisbina uma haysano ee Beelo isu yimid ayaanu u haysanaa, waxaana ina kala…….” Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.




Hargeysa: (Himilo) Guddoomiye-ku-xigeenkii 2aad ee Hore ee Xisbiga Kulmiye Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa si kulul u cambaareeyey Qaabkii loo maray shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ugu socda Magaalada Hargeysa.


Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo u warramayey Qaar ka mid ah Warbaahinta ayaa xusay inuu shirweynaha Kulmiye  In badan dib dhacay, maantana ay ka talaabsadeen caqabad in badan hortaallay.


cabdiraxmaan cabdiqaadirCabdiraxmaan Cabdiqaadir oo Haatan ka mid ah Mucaaridka Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, ayaa si cad u sheegay in shirweynaha Kulmiye uu ula muuqdo Shir-beeled, isagoo tilmaamay inay ka baydheen ujeeddadii xisbiyada loo samaystay oo ahayd in Qabyaalada laga Baxo,


“annigu Meesha Shir Xisbi kumaan arag, annigu shir-beeleed baan meesha ku arkay, oo ergooyinku beelay ku yimaadeen, waraaqaha Beelaa lagu bixinayey oo xataa kuraasida la fadhiisanayey waxa la sheegay in reer-ba meel lahaa, waar nimankani xisbiyada qalad bay ka fahmeene xisbiyada waxaynu u samaysanay inaynu beelaha kaga baxno” ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiwaadir, waxaana uu isagoo Hadalkiisa Sii Wata uu yidhi,


“Madashaa lagu maagi jirey waxay qabanayaan shir-beeleed, maanta Haddii shir beeleed dalka ka dhacay waa kaa kulmiye, midhkaasina waa nasiibdarro, annigu waxaan u malaynaya nidaamka sidaas ahi  mid dib inoo riday inuu yahay, laakiin umaddu mid ay shuqul  ku leedahay ma aha.”


Mudane Cabdiraxmaan Cabdiqaadi waxa uu shirkan kulmiye ee Ka Socda Caasimadda Hargeysa ku tilmaamay mid aan bislayn oo aan waxba ka duwanayn shirarkii ay qabsan jireeen Xisbiyada shuuciyadda, kuwaasoo ka madhnaa doorasho iyo  loollan-ba, isagoo ka dayriyey natiijada ka dhalan karta, waxaana uu yidhi,


“Waxa kale oo aan leeyahay shirkani shir wax kasoo baxayaan ilama eeka, shir la isku dooranayo shir doodi ka dhacayso iyo shir wax lagu ansixinayo midna ma aha, annigu shir-beeleed iyo wax la soo qorsheeyey oo kii shuuciyadda ee Mosco ka dhici jirey ka daran ayuun baan u arkaa. Laakiin anigu waan ku faraxsanahay  in badan baa umadda lagu mashquuliyey shir kulmiye’e Halkaas ha inagu dhaafo.”


Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu farriinn u diray Xisbiga Kulmiye, waxana uu yidhi,


                                                       


“Waxaanu leenahay annagu haddii aanu nahay Mucaaridka walaal shirkiinii qabsate odaygii dalkii oo dhan soo mar, marna soo dabaalayey, waxaad na tidhaahdeen Caafimaadkiisu waa 100% intaba idinka qaadanay.”


Waxa uu cabdiraxmaan Cabdiqaadir farta ku fiiqay Fikirka ay mucaarid ahaan ka aaminsan yihiin xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo uu ku sheegay mid ka duwan midka ay xukuumaddu iska aaminsan tahay,


“Idinku (Kulmiye iyo Xukuumadda)  waxaad isu haysataan inaad dawlad wanaagsan iyo xisbi wanaagsan tihiin, annaguse waxaanu u haysanaa inaad Dawladdii ugu musuqmasuqa badnayd ugu dhibaatada badnayd, ee ugu eexashada badnayd, ugu tamarta yarayd oo loo baahan yahay in maanta dalka laga qabto.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cabdiqaadi, waxaana isagoo hadalkiisa sii wata yidhi,


“Xisbigaasna waxaanu  u haysanaa xisbi ay u dhamaatay Maanta oo goraygu ka hadaafay, xisbina uma haysanee Beelo isu yimid ayaanu u haysanaa, waxaana ina kala saaraya bulshada Somaliland-ne Doorashadii inoo qabta, wakhtigeedii ku qabta, Haddii aad heshaana Tahniyad baanu idiinku daraynaa, Haddii aad Heli weydaana dariiqaasaad ka baxaysaane mid uun baananu idinka aqbalayn inaad tidhaahdaan doorashadaanu dib u dhigaynaa midhkaa ma yeelayno.”


Ugu damabayntii waxa uu Guddoomiye-ku-xigeenkii 2-aad ee hore ee Xisbiga kulmiye Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey inay u diyaar garoobaan sidii ay dalka Doorasho aan xilligeedii dhaafin uga qaban lahaayeen, waxaana uu yidhi,


“Dhagaxyadan bilaashka ah ee aad meelkasta dhigteen iska daaya oo isa soo taaga aniguna musuqmaasuqiina, Eexashadiinaanu iyo Tamar-darradiina ayaanu sheegi doonaa umaddaa ina kala saari doonta markaa.”


Cabdiraxmaan Cabdiqaadir ayaa muddo badan soo ahaa Halbawlayaasha Xisbiga Kulmiye, waxase uu saluugay Hannaanka ay dawladdu wax u waddo, isagoo Eedo badan dusha ka saaray Xukuumadda, taas oo ugu dambayntii keentay in Xisbiga Dibada laga dhigo.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment