“Waxaan diidaynaa inay meeshaa ka abuuranto dad ka abuura qalalaase, hadhawna halkaasi argagixiso iyo balaayo kale soo daba-gasho, waanay ku qanceen in…”
“Waxaannu u sheegnay haddaannu dawladda Somaliland nahay inaannaan wax dhibaato ah wadin, arrinta aannu u tegnayna ahayd inaan dadka reer Somaliland wax dhibaato ahi ku dhicin sidii markii hore ku dhacday..”
Hargeysa, 19 April, 2014 (Himilo)- Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa ka wadahadlay tegitaanka Ciidanka Qaranka ee degmada Taleex oo ka tirsan gobolka Sool, isla markaana waxa uu Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland sheegay inuu Madaxweynaha Itoobiya ka qanciyey sababta Ciidanku ku tegay Taleex inaanay ahayn dhibaato iyo ammaan-darro ee ay u tegeen ilaalinta nabadgelyada iyo in horumarka dalka ka jira la gaadhsiiyo deegaankaas.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib markiiuu soo dhammaystay socdaal uu ku tegay magaalada Addis Ababa ee Caasimadda dalka Itoobiya, halkaasoo uu hawlo isaga u gaar ah uu u tegay, isla markaana uu kula soo kulmay Madaxweynaha dawladda Federaalka Itoobiya.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland oo shalay ka soo degay garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isla markaana ay soo dhaweeyeen Masuuliyiin kala duwan oo dawladda ka tirsan, ayaa ka warbixiyey safarkiisa Itoobiya, isagoo u mahad-celiyey dadka soo dhawayntiisa u tegay Madaarka. Waxaanu sheegay inuu Khamiistii la kulmay Madaxweynaha Itoobiya oo uu sheegay inay ka sheekaysteen arrimo la xidhiidha nabadgelyada iyo saaxiibtinnimada Somaliland iyo Itoobiya.
“Waxaan ku maqnaa dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya oo shan maalmood illaa lix maalmood aan ku maqnaa, anigoo halo ii gaara u tegay oo aan u tegin hawlo shaqo oo waawayn iyo marti-qaad dawladeed u tegin, haddana Ninka Madaxda Qaranka ahi hadduu meel tago inuu la kulmo Madaxda dhiggiisa ah way iska dhacdaa, hawshaan u tegayna insha Allaah way iska soo dhammaanaysaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici).
Md. Cabdiraxmaan-Saylici oo ka hadlayey kulan ay Khamiistii wada-yeesheen Madaxweynaha Federaalka Itoobiya, waxa uu yidhi; “Waxaan la kulmay shalay (khamiistii dorraad) Madaxweynaha dalka Itoobiya oo muddo shan iyo afartan daqiiqo ah aannu aad uga sheekaysannay xaaladda Geeska xagga nabadgelyada iyo iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya. Runtiina ay si aad iyo aad ah innoo danaynayaan ama ay innoo arkaan dalka labaad ee Itoobiya saaxiibka ugu dhaw ay yihiin, waanay yihiin innagana, waad ogtihiinoo Itoobiya waa dalka koowaad haddaynu Somaliland nahay hadday Baasaabboor tahay, hadday xidhiidh dhaw oo ganacsi tahay iyo hadday wada-shaqaynta amniga tahay-ba aynu si dhaw uga wada-shaqayno, oo Itoobiya tahay dalka innoogu dhaw ama dalkeenna labaad.”
“Si wanaagsan baannu isu-afgarannay aniga iyo Madaxweynaha Itoobiya, wax badan oo gobolka ka jirana aad baannu uga sheekaysannay, waxaana runtii ugu muhiimsanaa oo farriinta uu nafarayey ahayd, in Itoobiya muhiimaddeedu tahay degganaanshaha gobolka oo xagga nabadgelyada ay muhiimadda siiyaan, cidkasta oo jaar la ahna ay jecel yihiin in sidaa ay u deggan yihiin ama horumarkaa ay gaadheen lagaga daydo.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan-Saylici.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo markii uu hadalkiisa dhammaystay dhawr su’aalood la weydiiyey, ayaa waxaa ka mid ahaa waxyaabaha wax laga weydiiyey in Ciidammada Somaliland ay gaadheen Taleex Salaasadii inna dhaaftay, isla markaana Arbacadiiba ay dib uga soo baxeen, arrintaa waxa lagu fasilayo iyo siday uga wadahadleen dawladda Itoobiya, waxaanu ku jawaabay; “Runtii waannu ka wadahadalnay oo dadka aynu Saaxiibka nahay ee innagala shaqeeya amniga, ama daneeya arrimaha Somaliland ama daneeya arrimaha geeska aad iyo aad bay uga hadleen. Laakiin, waxaannu u sheegnay haddaannu dawladda Somaliland nahay inaannaan wax dhibaato ah wadin, arrinta aannu u tegnayna ahayd uun inaan dadka reer Somaliland wax dhibaato ahi ku dhicin sidii markii hore ku dhacday oo nabadgelyadooda la ilaaliyo, horumarka dalka la gaadhsiiyo.”
“Waanay ku qanceen markaannu nidhi wax dhibaato ah halkaas (Taleex) kama wadno, waxaan-se diidaynaa inay meeshaa ka abuuranto dad ka abuura qalalaase, hadhawna halkaasi argagixiso iyo balaayo kale soo daba-gasho, waanay ku qanceen runtii tegitankaasi (Gaadhista Ciidanka Qaranka ee Taleex) ahaa mid nabad ah oo dadka iyo dalka loogu danaynayey.”
Sidoo kale, Madaxweyne Ku-xigeenka oo la weydiiyey in Shirweynaha saddexaad ee KULMIYE oo marar badan oo hore dib-u-dhac ku yimi, isla markaana la filayo in shirkooda oo ka dib dhacay 22 March iyo in la hadal-hayo inuu bisha June qabsoomayo, waxaanu ku jawaabay; “Ma qabo inuu shirku qabsoomi waayo insha Allaah, waxaan rejaynaynaa bishan aynu immika ku jirno wiiggan soo socda inuu qabsoomo, ee dib u dhac dambe oo bishan dhaafa kama rejaynayno.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment