Hargeysa(Himilo)-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed ayaa ku dhawaaqay in Gebi ahaanba Somaliland laga Oogi doono Sallaada Roob-doonta Toddobaadka Soo Socda.
Wasiir Khaliil oo ka Hadlayey munaasibad xadhiga lagaga jarayey dhisme loo dhisay wasaaradda Deegaanka, ayaa iclaaamiyey in Maalinta Sabtida ee bishan April ay tahay 26-ka Somaliland looga diyaargaroobayo Tukashada salaadda Roob-doonta, maadaama ay jiraan meelo abaaro iyo biyo la’aan laga soo sheegay.
“Waxaanu ugu baaqaynaa dhammaan Dadka reer Somaliland Gobolada iyo Degmooyinka meel kasta oo ay joogaan in Maalinta Sabtida oo ay bisha April tahay 26-ka, kuna Beegan 26-ka bisha Jamaadul Aakhir, inaynu isugu soo baxno Siddeeda Subaxnimo Goobihii aynu ku tukan jirney Salaadda ciidda oo aynu ku Tukano salaad roob-doonta ah si aynu ilaahay u barino, waxaana uu ilaahay inoogu ballan qaaday inuu inooga jawaabo oo uu ducadeena aqbali doono.” Ayuu yidhi wasiir khaliil cabdilaahi Axmed.
Dhawaaqan wasiirka ayaa ahaa mid uu ka codsaday Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo sidii dalka looga oogi lahaa Salaadda Roob-doonta xilli ay deegaano dalka ka mid ah roob la’aani ka jirto.
Wasiirka ayaa gebi ahaanba shacabweynaha reer Somaliland ee dalka ku nool ka codsaday inay u diyaargaroobaan sidii ay iskugu soo bixi lahaayeen salaaddaas oo ah mid Eebe lagaga baryayo inuu raxmaadkiisa ibo furo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment