Saturday, April 19, 2014

Madaxweyne Siilaanyo oo tacsi u diray qoyskii iyo qaranka somaliland ee uu ka geeriyooday marxuum Aadan X Cabdilaahi Xashiish




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa tacsi u diray qoyskii iyo guud ahaan qaranka somaliland geerida ku timid marxuum Aadan Xaaji Cabdilaahi Xashiish oo ku geeriyooday magaalada Ottawa ee dalka Canada, qoraal naga soo gaadhay madaxtooyada ayaa waxa uu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Reer Xaaji Axmed Cabdilaahi (Xashiish) isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Walaalkood Marxuum Aadan Xaaji Cabdilaahi Xashiish oo ku geeriyooday Ottawa Canada 18.04.2014.


Sidoo kale waxa uu tacsi taasi la mid ah u dirayaa Madaxweynuhu Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumku.


Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan reer Xaaji Axmed Cabdilaahi (Xashiish), Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo  Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan Saadiqana ka siiyo”.


 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland


No comments:

Post a Comment