Thursday, April 17, 2014

Sideed ku noqon Kartaa Qof Bulshada Dhexdeeda Karaamo Ku leh Oo ay Dadku ka Nabad galaan. Raac talaabooyinkan hoos ku qoran:




Waxaa muhiim ah in aad ahaato qof ama shaqsi ku caan baxa wanaag, dulqaad, iyo maskax-furnaan isla markaana bulshadu ku soo hirato oo  marka uu maqan yahay la tabo laguna xisaabtamo marka laga hadlayo arrimaha khuseeya bulshada aad meel kula nooshahay, haddaba waxa uu wargayska Himilo halkan kuugu soo gudbinayaa, talaabooyin wax ku ool u ah noloshaada iyo dadka kula noolba.


 Haddaba si aad ula noolaato bulshada iska illaali dabeecadahan soo socda ee lafdhabarta u ah noloshaadu inay qiimo yeelato.


üFawdo badan iyio xishood la’aan.


üSu’aalo badan oo aan  shaqadaada ahayn oo aad weydiiso dadka sida xageed u socotaa? Marka uu qofku kuu jawaabo oo tusaale ahaan uu ku yidhaahdo, Waan soo xaajo gudanayaa, ha isku dayin inaad qofka sii baadhbaadho arrimihiisa isaga u gaarka ah oo ha odhanin Xaajo noocee ah? Taasi waxaa ay sababaysaa inaad qofkii ku keento dhibaato gaadhsiisan Ilaa heer aad ku qasabto inuu been sheego, ama aad weydiiso arrimihiisa khaaska ah.


üBallanka oo aad ka habsaanto, ogaw in ay balantu tahay shayga kaliya ee hadaad ilaaliso kaa dhigaysa qof bulshadu ku soo hirato oo sharaf iyo karaamo ka mudan.


üQosolka badan, waxaad isku daydaa inaad yarayso qosolka gaar ahaan marka aad bulshada dhexdeeda ku sugantahay waayo haddii aad caadaysatid qosolka dadku waa ay ku nacayaan.


üHaddii lagu marti qaaddo kaligaa, iska ilaali inaad soo kaxaysato qof kale Waliba qof ay isku fiicanyihiin qofka ku marti qaaday waxa laga yaabaa in aad dhibaato ka dhex abuurto labada qof.


üHaddii aad timaado guri dad kale leeyihiin, ha fadhiisan meel guriga oo dhan aad ka wada arki karto, isku day inaad ka fogaato cawrada ama boogaha dadka aad u timaado.


üHa fadhiisan meel ay dadku dhibsanayaan, sida musqulaha ama suuliyada hortooda oo aad eegto dadka ka soo baxaya.


üHaku dheeraan fadhiga qof xanuunsanaya oo aad soo booqatay, laga yaabaa inuu hadalka badan dhibsanaayo ama xaajo uu leeyahay.


üIska ilaali booqashada badan ee asxaabtaada


ü Dadka hakala hortagin hadallo ay dhibsanayaan.


üHa ku salaamin gacmo qoyan.


üMarka dad kale aad wax  la cunayso ama aad saxan kaliya wax ku wada cunaysaan inaan samayso waxyaabo anshaxa ka baxsan sida inaad hilib ama khudaar ka soo qaadato meel kaa dheer, ha ka sheekeen waxyaalo dadka ka hor istaagi kara inay cuntada cunaan, sida wax  yalaalugo keeni kara ama naxdin.


üDad aad marti qaadday, hakala raagin waxaad ugu tala gashay.


üHa dhageysan dad sheekeysanaya iyagoo ku dhibsanaya.


üLuuqad kale hakula hadlin dad aad isku Af tihiin.


üMarkaad dad la hadlayso, qosolka badan iska yaree si aanu hadalkaagu u nuxur beelin.


üHaka bixin cuntada iyadoo dadkii aad marti qaadday wali cunayaan.


üIska ilaali kaftanka badan.


 


Himilomedia.com                                                                                                 


Hargeysa-Somaliland


 


 


 

No comments:

Post a Comment