Saturday, April 26, 2014
Madaxweyne Siilaanyo Oo Kusoo Laabtay Caasimada Hargeysa
Hargeysa, (Himilo) Madaxweynaha Somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa kusoo laabtay caasimada hargeysa, ka dib markii uu soo dhamaystay socdaal shaqsi ah oo ujeedadiisu ahayd nasasho oo muddo saddex maalmood ugu maqnaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
Madaxweyne Siilaanyo ayaa maalmihii uu ku sugnaa magaalada berbera waxa uu kulamo la yeeshay masuuliyiin kala duwan, waxa kale oo uu dadweynaha kala qayb galay tukashada salaadii jimcaha iyo salaadii roob-doonta ahayd, halka wararka qaarkoodn sheegeen madaxweynuhu nasasho iyo dabaal u tagey xeebta batalaale.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment