Wednesday, April 9, 2014

Madaxweyne silaanyo oo tacsi u diray qoyskii uu ka baxay sarkaal ka tirsanaa ciidanka ilaalada madaxtooyada




IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


 


Hargeysa (Himilo) Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu tacsi u dirayaa Ciidanka Illaalada Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Ciidamada kala Duwan ee Qaranka Somaliland, isaga oo ka tacsiyadaynaaya Geerida ku timid Saddex Xidigle (Jaamac Xirsi Cali oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidanka Illaalada Madaxtooyada JSL, kuna Geeriyooday Maanta 09.04.2014 Magaalada Hargeysa laguna Aasay,


 


Madaxweynuhu waxa uu  Marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Dhammaan Ciidamada Dalka, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, iyo Asxaabtii uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.


 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment