Wednesday, June 18, 2014

Madaxweynaha Kenya oo Masuuliyadda Qaraxyo todobaadkan ka dhacay Dalkiisa u xambaariyey Siyaasiyiin Xurgufi ka dhaxayso

“Hoggaamiyeyaasha u heelan kicinta bulshada iyo hadallada xaalad-abuurka, waanu u yeedhnay, sharciga ayaan marin doonaa. Dastuurku ma damaanad-qaadayo hadalada nacaybka, kicinta iyo ceebeynta xuquuqda hadalka,”

Nairobi, 18 June, 2014 (Himilo)- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, ayaa shaaca ka qaaday in siyaasiyiin u dhashay dalka Kenya ah ka dambeeyeen weerarradii labadii maalmood ee u dambeeyey dalkaasi ka dhacay, isaga oo ku dooday in aanay kooxda Al-Shabaab wax gacan ah ku lahayn.

timthumb.phpMadaxweyne Kenyatta oo shalay warbaahinta kala hadlay shacabka Kenya, ayaa u soo jeediyey inay feejignaadaan, hay’adaha ammaankana la socodsiiyaan wixii ay ka shakiyaan.

"Weerarkii deegaanka Lamu si weyn ayaa loo qorsheeyey, loo soo abaabulay, waxaana ka dambeysa siyaasad lagu doonayo in rabshado qabaa’il ay bulshada Kenya ku dhex abuuraan,” sidaa ayuu yidhi Madaxweyne Uhuru oo shacabkiisa la hadlayey, waxaanu intaas raaciyey, “Markaa, ma jirto Shabaab gacan ku lahayd weerarrada. Caddeymahu waxay sheegayaan in shabakado siyaasadeed oo gudaha ah kaalin ku lahaayeen qorsheynta iyo fulinta weerarradii cadownimada lahaa," ayuu yidhi Uhuru Kenyatta.

Madaxweynaha Kenya waxa uu ku dooday in dalkiisu marayo wakhti bulshadu u dhego nugushahay wax uu ku tilmaamay hoggaamiyeyaal aan xil-kas ahayn oo jecel inay necbaanshaha iyo rabshaduhu werwer u horseedaan.

“Hogaamiyeyaashaasi waxay si fudud ugu abuurayaan farriimahooda xag-jirnimo ama cadaawad ay ku muujiyaan in dadka qaarkood kuwo kale cadow ku yihiin, balse waa kuwo kala qeybinaya bulshada,” sidaas ayuu yidhi Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Uhurru waxa uu sheegay in hay’adaha sirdoonku sii hayeen digniinta weerarradii dorraad ka dhacay Mpeketoni, balse nasiib-darradu tahay inaanay uga hortegin sidii waajibku ahaa, isla markaana  ay dhamaantood shaqadii ka fadhiisiyeen, sharcigana la horgeyn doono.

“Hogaamiyeyaasha u heelan kicinta bulshada iyo hadallada xaalad-abuurka, waanu u yeedhnay, sharciga ayaan marin doonaa. Dastuurku ma damaanad-qaadayo hadallada nacaybka, kicinta iyo ceebeynta xuquuqda hadalka,” ayuu yidhi Madaxweynaha Kenya.

Madaxweyne Uhurru Kenyatta waxa uu shacbiga dalkiisa ugu baaqay wada-jir iyo inay kala-qayb qaataan gacan ku dhigista dambiileyaasha falalkaas ka dambeeyey.

Siyaasiyiinta Madaxweyne Uhuru u xambaariyey masuuliyadda Weerarrada is-qarxinta ah ee todobaadkan dalkiisa laga fuliyey oo Kooxda Al-shabab sheegatay inay ka dambaysay, isla markaana aanu isagu magac-dhebin, ayaa loo qaatay inay yihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee uu hormoodka ka yahay reysal-wasaarihii hore ee dalkaas Raila Odinga, haseyeeshee ilaa immika ma kala cadda cidda ay yihiin.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland                                                                     

No comments:

Post a Comment