Laasgeel, 07 June, 2014 (Himilo)- Alle ha u naxariistee hal qof, ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo shalay ka dhacay duleedka degmada Laasgeel ee gobolka Saaxil, halka saddex qof oo kalena dhaawacyo kala duwan ka soo gaadheen ka dib markii baabuurkii ay wateen kula dhacay jidka laamiga ah ee isku-xidha gobollada Maroodijeex iyo Saaxil.
Marxuum magaciisa la odhan jiray Cabdiqani Axmed Cilmi, ayaa ku geeriyooday baabuur noociisu yahay NOHA oo ku qallibmay waddamadaas, sida uu sheegay Agaasimaha Xog-ururinta Wasaaradda Caafimaadka Cabdilaahi Yuusuf Cabdilaahi oo warkan shilkan noo xaqiijiyey isaga oo ku sugan degmada Laasgeel (Dacar-budhuq).
Dadka Shilkan ku dhaawacmay oo dhammaantood rag ahaa, ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Xaamud Sacad Maxamuud, Cabdinaasir Cali iyo Xasan Cismaan Cabdi, kuwaas oo dhammantood loo soo gudbiyey Cusbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa oo lagaga dabiibayo dhaawacyadii ka soo gaadhey shilkaas, sida uu sheegay agaasimaha Xog-ururinta Cisbitaalka Hargeysa oo u warramay Qurbejoog.
Lama garanayo sababta dhabta ah ee keentay shilka baabuurkaas oo noociisu yahay basaska yar-yar ee loo yaqaano NOHA.
Jidka laamiga ah ee u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo wakhtigan dayac-tir ballaadhan lagu sameeyey, ayaa shilalka baabuurtu xilligan ku yaraadeen marka loo eego xilligii ay burbursanayd shilalka gaadiidka soo-gaadhi jiray, haseyeeshee waxa dhinaca kale soo badanaya shilalka gaadiidka kala duwan ee guud ahaan dalka ka dhaca, gaar ahaan gaadiidka isaga dhex-goosha gobollada iyo degmooyinka dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment