Sunday, June 8, 2014

Xogo Dheeraad ah Oo Maamulka Puntland Ka Bixiyey Dhaqdhaqaaqyadii uu Sheekh Atom Kaga Tanaasulayey Mabda’ii Shabaabnimada ee Hore

Garowe:June,08,2014(Himilo)-Maamul-Goboleedka Somaliyeed ee Puntland, ayaa Maanta Faahfaahin ka Bixisay Hannaankii uu Dawladda Somalia iskugu dhiibay Sheekh Maxamed Siciid Atom oo lagu ogaa inuu ka Dagaalamo Buuralayda Galgala ee Puntland.

aloooorWasiir arrimaha Gudaha Maamulka Puntland, Xasan Cismaan Maxamuud Aloore oo maanta arrinta wadaadka ka Hadlay ayaa Saxaafadda siiyey Xogo hore u qarsoonaa oo sheegaya isku dayo hore oo wadaadku ku soo dalbaday inuu kooxdiisa ka soo Goostaa.

Waxa uu wasiir Aloore sheegay in maamulkiisa si dhaw ula socday isa soo dhiibista wadaadka, isla-markaana la socdeen tallaabooyinkii uu xukuumadda Federalka ah gacanteeda ku galay arrintaasna ay warkeeda  hayeen muddo toban cisho ah.

Wuxuu sheegay Sheekh Atam in uu sannadkii 2012-ka uu damcay in uu isoo dhiibo balse maamulkii Faroole uu shuruud ku xidhay, isagoona intaas ku daray in haddii uu Atam ka soo laabtay mowqifkiisii hore in uu yahay muwaadin u dhashay Puntland.

Wasiirka amniga Puntland wuxuu hoosta ka xariiqay in maamulkooda uu soo dhaweynaayo go’aanka uu isku soo dhiibay madixii Shabaab ee deegannada Puntland.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shaaciyay in maamulkiisa uu hadda go’aan ka qaadan karin in ay cafiyaan Maxamed Saciid Atam oo dagaallo xooggan kula galay Puntland buuraha Galgala  oo ka tirsan  dhulka Maamulka Puntland.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment