Sida ay sheegayaan wararka Halkaas Laga Helayaa waxa ay Kooxdu iyagoo ku lebisan Dirayska Dawladda ay Geysteen Xasuuq ka hor intii aanay dadka Halkaas Deggen iskugu yeedhin inay yimaaddaan Kaniisadaha kadibna aanay Rasaas Oodda kaga qaadin.Weeraradan ayaa kusoo beegamaya xili saxaafada Nigeria ay hadal hayaan in Saraakiil Sar sare oo ka tirsan ciidamada Nigeria loo xidhay in ay xidhiidho qarsoodi ah la lahaayeen kooxda Boko Xaraam.
Kooxda Boko Xaram ayaa hore weeraro badan ugu qaaday saldhigyada ciidamada Nigeria ku leeyahay waqooyiga dalkaasi waxayna ka furteen saanad militari iyo waliba gaadiidka dagaalka.
Bishii April ayey ahayd markii ay Kooxdani Boko Xaram afduubteen in ka badan 200 gabdhood kuwaasi oo weli loo heysto afduub.
Ilaa iyo haatan lama helin xalkii kooxda lagaga soo furi lahaa Hablaha ay gacanta ku Hayaan, walise waxa la wadaa talo ay ka qayb qaadanayaan Dalalka Maraykanka iyo Yuhuuddu.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment