Saturday, June 7, 2014

Dawladda Sweden oo Soomaalida fursad u siisay inay Luuqaddooda ku galaan Imtixaanka Darawal-nimada




Stockholm 07 June, 2014 (Himilo)- Dawladda dalka Sweden, ayaa markii u horreysay u fasaxday Soomaalida ku dhaqan dalkeeda inay Luuqaddooda Afka Soomaaliga ku geli karaan imtixaanka direwalnimada, waxaanay noqonaysaa dawladdii ugu horreysay Qaaradda Yurub ee fursaddan u ogolaata dadka Soomaalida ah.


korkort_156406499Go’aankan oo ay ku dhawaaqeen Hay’adda Gaadiidka Sweden, ayaa lagu sheegay in laga bilaabo 16 bishan June tirada luuqadaha heer qaran ee lagu galayo imtixaanka darawalnimada ay noqon doonaan dadka ka soo jeeda waddamada lagaga hadlo luqadaha Albanian,  Arabic, Bosnian, Croatian, Serbian-Croatia, English, Finish, French, Persian, Russian,  Somali, Sorani, Spanish, Thailänd, Turkish iyo German.


 Luuqadahan af Soomaaligu ku jiro ee lagu gelayo imtixaanka sharciga gaadiid-kaxeynta ayaa lagu koobay kaliya gaadiidka yar yar ee raaxada ee sida shakhsiga ah loo leeyahay, balse dadka doonaya liisanka wadidda gawaadhida waaweyn waxa shuruud looga dhigay inay ku galaan imtixaanka luqadda Swedish-ka.


Dadka doonaya in ay Imtixaanka dalbadaan ayaa loo sheegay in ay doortaan luuqaddooda, iyadoo intaas loogu daray inaaney bedeli karin haddii imtixaanka ay ku dalbadeen luuqadda Swedish-ka.


Arrintan ay sammeysay Hay'adda Gaadiidka Sweden ayaa dad badan oo Soomaaliyeed oo ku dhaqan Sweden u fududeyn doontaa in ay ka gudbaan imtixaanka sharciyadda gaadiidka lagu kaxeeyo oo hore caqabad weyn uga haysatay luuqada Swedish-ka oo dadka intiisa badan ay ku adkayd.


 


Himilomedia.com


Hargeysa-Somalliland

No comments:

Post a Comment