Saturday, June 7, 2014

Murashaxad Soomaalida Sweden Cod kaga Doonaysa ballan-qaad aanay Cidi uga horreyn




Borlänge, 07 June, 2014 (Himilo)- Dalka Sweden oo ka mid ah waddamada ku yaala Woqooyiga Yurub (Scandinavian), ayaa ka mid noqday dalalka reer Galbeedka ee haweenka Soomaalida ah ee ku dhaqan ugu badan yihiin inay ku dhiirradaan ka qayb-qaadashada siyaasadda dalkaas.


Waxaana sannadkihii u dambeeyey is-soo taraya tirada Haweenka dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland balse ku dhaqan Sweden ee xisbiyada dalkaas ugu tartamaya doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo baarlamaanka Dalkaas.


iimaanIimaan-Ayan Cabdicasiis Maxamuud oo ka mid ah murashaxiinta u taagan isla markaana ugu cad-cad Soomaalida ku dhaqan dalkaas ee u tamaya doorashada Goleyaasha Deegaanka Dalka Sweden oo la filayo inay dhacaan 14-ka bisha September ee sannadkan.


Iman Cabdicasiis oo u sharraxan inay ka mid noqoto Xildhibaannada Golaha deegaanka magaalada Borlänge ee gobolka Dalrna ee Sweden, ayaa Soomaalida ku dhaqan magaaladaa u ballan-qaadday inay wax weyn ka beddelayso xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ay wadaagaan bulshooyinka dalkaas loogu tagay oo ay tilmaantay baahi weyn oo uga dhex-muuqatay is-faham la’aan ka dhex jirta Soomaalida iyo dadka asal ahaan u dhashay waddankaas.


Murashax Iimaan Cabdicasiis oo ka sharraxan Xisbiga Miljöpartiets, waxa kale oo ay ka sheekaysay sababaha ku kallifay inay isu-taagto una tartanto mudaneyaasha Golaha deegaanka magaalada Borlänge, waxaanay shacbiga magaalada ku dhaqan ka codsatay inay fursad u siiyaan sidii ay Golahaas ugu meteli lahayd magacooda isla markaana wax uga qaban lahayd baahiyaadka ay tabayso ee ka dhiman bulshada ay jinsi ahaan ka soo jeedda ee ku dhaqan magaaladaas.


Murashax Iman-Ayaan oo ka warramaysa waxyaabaha ku dhaliyey inay isu-sharraxda Goleyaasha deegaanka Sweden iyo hankeeda siyaasadeed, waxa ay tidhi, “Magaceygu waa Iman-Ayaan Cabdicasis Maxamud, waxaan deganahey waddanka Sweden Gobolka DALRNA waxaan imid wadankan dabayaqadii sanadkii 2003. Waxaan dadka uu sheegaya degan gobolka aan ka tirsanahey inaan uu sharaxanahey xildhibaanka golaha degaanka Sweden gaar ahaan gobolka aan deganahey amaba aan ka tirsanahey. anigoo leyga soo doortey Xisbiga Miljöpartiets ama loo yaqaano xisbigii Bi’adaa oo aan ka tirsanahay guddiga hoggaanka sare, una sharaxaan xildhibaanka golaha degaanka magaalada Borlänge.”


Iman-Ayan Cabdicasiis oo dhalasho ahaan ka soo jeedda magaalada Hargeysa, waxa ay intaas raacisay, “Waxaan siyaasadda ka tirsanaa muddo sanado ah, waxaana igu dhiiri-galiyey inaan galo amaba ka mid noqdo xisbiyada hogaamiya talada wadanka sweden waxey aheyd;  Anigoo arkey baahida muuqataa ee sameynta weyn inagu yeelatey madaama aanu nahey umad ka soo socdaashey wadan kale oo leh dhaqan iyo dabeecado kale oo aan wadankan ka jirin iyo baahida aynu uu qabno isku xidhid dadka aynu uu nimid iyo teena si aynu uu yeelano xidhiidh wada noolaansho oo is fahan leh.


Markaa taasi waxey igu kaliftey inaan arko baahidi taaley oo ii soo galisey siyaasada taaso igu qadatey muddo dheer oo aan uu galey tartaan kuna soo gadheey heerkan aan taganahey anigoo rajeenayaa inaan ka gaadho meesha ugu sareysa insha Allaah,” ayey tidhi Murashax Iman oo u warramaysay warbaabinta dalka Sweden oo farriinteeda ay u marisay bulshada ku dhaqan magaalada ay ka sharraxan tahay.Waxaan dadkeyga si naxaris iyo walaaltinimo uga codsanayaa iney fursad ii siiyaan si aan u matalo ugana caawiyo baahida jirta xageyga iyo xagoodaba fursadna ii siiyaan arinta iyaga ah,” ayey tidhi gabadh oo noqonaysa haweenaydii ugu da’da yarayd Soomaalida ku dhaqan ee dalka Sweden ee ku hamiya inay ka qayb-qaataan siyaasadda dalkaas.


Haweenka Soomaalida ah ee ku jira goleyaasha deegaanka dalka Sweden iyo baarlamaanka dalkaas iyo kuwa xilligan u tartamaya inay ka qayb-qaataan, ayaa la sheega inay ka mid yihiin qowmiyaha kale ee dalkaas ku dhaqan marka laga reebo dadka asal ahaan ku dhaqan dalkaas.


Himilomedia.com                                


Hargeysa-Somalliland


 


 

No comments:

Post a Comment