“Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego oo la taliyo nimankaas maanta wixii dadku lahaayeen isku haysta. Nin Geeliisa la dhacay ma jiro, waxa laysku haystaa Shantaa Boqol ee Shilin ee Islaanta Tamaandhada iibinaysa iyo Agoonta laga ururinayo...”
“Waxa la doonayaa in la kala lusho oo dad badan baa mashaariicdoodu go’aysaa, waa in wuxuun la wadaa, dadkuna dawakhsanaadaan oo Suldaanku halkan ka soo kacaa; ummadda talladeedii-baa mashruuc noqotay…” Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro)
Hargeysa, 07, June, 2014-(Himilo)- Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro) oo si cilmiyan ah uga hadlay khilaafka u dhexeeya labada Garab ee Xisbiga KULMIYE u kala jabay iyo dhaqanka inta Bulshada Madaxda u ah ee Culimada, Aqoonyahanka, Madax-dhaqameedka iyo Culimada oo uu sheegay halkii ay Siyaasiyiinta ka sixi lahaayeen ee ay danta ummadda ka shaqayn lahaayeen inay iyaga faftoodu qayb ka yiiin boobka bulshada iyo waddanka ka socda.
Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay inaanu jirin nin Geel laga qaaday iyo nin adduun laga dhacay, hase-yeeshee, waxa la isku haystaa yahay dhaqaalaha yar ee waddanka ee laga ururiyo qaybaha bulshada, isagoo tusaale u soo qaatay shan-shanta boqol ee laga ururiyo Haweenka Qudaarta Bacadka Suuqyada ku iibiya oo uu xusay inuu nin waliba markiisa doonayo inuu xaabsado amaba ka faa’iidaysto. Sidaa daraaddeed, waxa uu xusay in loo baahan yahay waxa la isku haysto oo aanay shacabku la kala safan dhinacyada dushooda isku haysta, balse ay dhinaca xaqa iyo caddaaladda iyo ka ay dantoodu ku jirto ka eegaan ee aanay reer hebel-nimo iyo dhaqaale ay midkood ka helayaan eegin.
Waxa uu Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud (Sh. Aadan-Siiro) oo Salaaddii Jimce ee Shalay Khudbad ka jeediyey Masjidka Xawaadle ee magaalada Hargeysa, waxaanu Guddiga Golaha Guurtida Somaliland ee gacanta ku haya dhex-dhexaadinta iyo xallinta Khilaafka Xisbiga talada haya ee KULMIYE ay dhex-dhexaadintooda ka caddaalad-falaan, isla markaana ka dheeraadaan inay dhinacna u eexdaan ee ay runta u kala sheegaan labada dhinac ee is-haysta.
“Immika dunidu waa Boqol, dhowr iyo sagaashan dawladood, adduunka meel la istaago oo aan laga eedaamin-na ma jiro. Waddan Islaam ah oo dad Muslimiin ahi ku nool yihiin oo aan dhibi ka taagnayni ma jiro. Laakiin, dhibaatada haysata Muslimiinta waxa weeye hoggaankii-baa ka khaldamay, Hoggaanka marka laga hadlayana qaar baa u haysta in Madaxweyne laga hadlayo; hoggaanku waa Culimada, Salaaddiinta, Ganacsatada, Aqoonyahanka.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.
Waxaanu Sheekha Madaxda loo baahan yahay inay bulshada dantooda ka shaqayso iyo sida ay wax kale ugaga mashquuleen, waxa uu yidhi; “Hoggaanku waa dadka Xoogga, Cilmi, Aragtida iyo talada u leh. Wadaadkii halkaasu ka hadlayaa, Baayac-mushtarigii halkaasuu ka hadlayaa, Suldaankii halkaasuu ka hadlayaa, kii Aqoonta lahaa halkaasuu ka hadlayaa. Bal ummad dhan oo Boob u wada-dhaqaaqday ka warran? Yaa dalka Boobaya? Kii Baayac-mushtariga ahaa ee Xoolaha xalaasha ah Aabbihii uga dhintay ayaa dhulkii iyo dadkii boobaya, Wadaadkii-baa dhinaciisii ka boobaya, Suldaankii baa dhinaciisii ka boobaya!. Waar dalkiinna, Carruurtiinna iyo Aakhriyiinna u tudha oo dalka halla wada-ilaaliyo.”
“Waxaan doonayaa inaan halkan ka sheego oo la taliyo nimankaas maanta wixii dadku lahaayeen isku haysta. Nin Geeliisa la dhacay ma jiro, waxa laysku haystaa Shantaa Boqol ee Shilin ee Islaanta Tamaandhada iibinaysa iyo Agoonta laga ururinayo.” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sheekh Aadan-Siiro).
Waxaanu Sheekh Aadan oo hadalkiisa sii wataa yidhi; “Maanta waxa la jecel yahay inaad dhinac raacdo oo qandaraasyada socda dhinac ka fuusho, waxa la jecel yahay wixii la qaybsaday inaad qaybtaada ka qaadato, waxa la jecel yahay Mashaariicda socota inaad dhinac ka soo gasho, waxa la jecel yahay boobka inaad dhinac ka noqoto, taasaad wax ku noqonaysaa, haddii kale qof aan jirin oo cidi waxba aanay weydiinayn oo meelna ka tirsanayn weeye!.”
Mar uu Sheekh Aadan-Siirro is-dul-taagay waxa la isku haysto ee khilaafka siyaasiga ah keenay ama keenaa waxa uu salka ku hayo, waxa uu yidhi; “Maxaa maanta laysku hayaa? Bani-Aadamku markay wax dhacaan waa inuu fahmo waxa layku hayo oo aad aragto wax la taaban karo. Laakiin, markay noqoto anigana markayga iiga kac, aniguna markaaga aan kaaga kaco, hebel baa ku noolaadee anna markayga aan ku noolaado ay arrintu taagan tahay ee laga soo qaado wax qof leeyahay, Kooxi leedahay ama Xisbi leeyahay, waxaan leeyahay waar ka daaya ummad baa lehe. Dadku caddaalad iyo waxooda oo loo ilaaliyo oo si siman loogu qaybiyo ayay u baahan yihiin.”
“Saxaabadii iyo Basharkii wanaagsanaa waxay ahaayeen bashar innala mid ah. Waxa laynooga baahan yahay inaynu raacno dariiqoodii iyo sidii ay khilaafkooda u xallin jireen. Cali Bin Abi Daalib (RC) oo laga hayo erayo Kooban oo laakiin Manhaj ah, kelmadaha uu yidhi waxa ka mid ahaa, ‘Xaqa garo, markaasaad Raggiisa garan doontaaye’! Xaqu yaanu Rag kaa gelin, waa ta immika taagan ee aad arkayso inta nin xaydan ee aan isweydiinayn maxaa laysku hayaa?. Qaddiyaddu Hebel, Xisbi iyo Reero ma taagna, Khilaafkan ummaddaa leh, taladii ummadda ayaa laysku haystaa. Waa inaad raacdaan xagga uu wanaaggu ku jiro, ummadda taladeeda iyo wanaaggeedu ku jirto, annaguna sidaas oo kale. Maxaa maslaxad umadda ugu jira, ayay taladeedu tahay.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan.
Waxaanu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Waxan laysku haysto Somaliland oo dhan baa wada Leh. Saddexdan (Xisbiyada) laga sheekaynayo, intan Xukuumadda joogta ee Kontonka ah iyo Xisbigan Kulmiye muxuu Somaliland ka yahay? Muxuu halgankii ummadda ka yahay, marka ummadda loo eego? Boqolkiiba hal kama aha, waa taladii ummadda waxan laga hadlayaa, maaha inay u qaataan Xisbiga Kulmiye oo keliya inay talada dadka leeyihiin, codkan ummaddaa leh, talada ummaddaa leh. Markaa, waa in la tixgeliyo dadku waxay doonayaan.”
Sheekh Aadan-Siiro waxa uu sheegay in Bina-aadamku leeyahay meel ay ku laabtaan marka wax ka khaldamaan, waxaanu yidhi; “Bani’aadamku Masdar (Marjac) ayuu leeyahay ay ku noqdaan markuu khalad yimaaddo. Nimankaa is-xil-qaamay ee Guurtida waa shaqadoodii markay wax yimaaddaan, waanannu ku ammaanaynaa. Laakiin, waxaannu leenahay arrintaa aad gasheen Ka Caddaalad-fala oo Cidna ha u eexannina, magacuu doono ha sito, qofkii qaldan waa in la yidhaahdo waad qaldan tahay ee ka joog si ummadda loo badbaadiyo. In laga shaqeeyo in dadka la heshiiyo waa Shaqadii ambiyada, waa wixii laynoo diray.”
“Waar Khilaafka hallaga ilaaliyo ummadda, idinkuna ha kala raacina. Madaxweynaha ha noqdo ama ha noqdo nin kale oo ka soo horjeeda oo magac sheeganaya ama Xisbi dhan ha noqdo ama koox ha noqdaan, waa in la yidhaahdo waar ka daaya sidaad waddaan waa qalad oo ummaddaa ku jabaysee.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan-Siiro.
Mar uu Sheekh Aadan la hadlayey Guddiga Guurtida ee dhex-dhexaadinta kaga jira Khilaafka KULMIYE waxa uu yidhi; “Waxaannu talo ugu soo jeedinaynaa qoladaa Guurtida ee arrinta ku jirta, waar caddaaladda halla ogaado, waa la garanayaa waxa laysku hayo, waxa lagu kala baxayaana waa wax fudud, saacad ma qaadanayso. Lama doonayo inay dhammaato, waxa la doonayaa in la kala lusho oo dad badan baa mashaariicdoodu go’aysaa, waa in wuxuun la wadaa, dadkuna dawakhsanaadaan oo Suldaanku halkan ka soo kacaa; ummadda talladeedii-baa mashruuc noqotay.”
“Intii baynu soo taagnayn, wixii qornaa baynu garanaynaa, aadbay u fududdahay. Laakiin go’aankaasi Muxuu ku xidhan yahay? Waa inaad marka hore dalkan ku xidhan tahay oo aanad xisbi u danaynayn, qabiil u danaynayn, waa inaanad koox u danaynayn, waa inaanad u danaynayn dan kuu gaar ah oo kaa xumaanaysa.” Sidaa ayuu yidhi Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Sh. Aadan-Siiro).
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalliland
No comments:
Post a Comment