Saturday, June 7, 2014

Guddoomiyaha Guurtida Oo Dhinacyada Kulmiye Ugu Baaqay Inay Si Buuxda U Fuliyaan Qoddabada Heshiiska ee ay Guurtidu soo Saareen

Hargeysa:June,07,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo  Hoggaaminayey Guddidii Dhexdhexaadinaysay Labada  Garab ee Kulmiye ayaa Madashii Go’aamada laga Akhriyey Labada  dhinac uga soo jeediyey inay wada shaqayntoodii dib u soo ceshadaan oo danta guud ka  Abaabulkeeda ku mashquulaan.

slaeeGuddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxa  sheegay in sidii ay Go’aamo u soo saari lahaayeen ku qaadatay wakhti dheer oo maalmo gaadhayey, waxana uu Bulshada reer Somaliland ugu cudurdaartay raagitaanka ay arrinta ku raageen.

Waxa uu Guddoomiyuhu ka codsaday labada dhinac ee Xisbiga kulmiy inay Fuliyaan oo dhaqan Geliyaan Go’aamadii ay soo saareen oo aanay ka leexleexan,

“waxanu jeccelahay go’aanadaas inaad sidooda ku fulisaan, dadweynaha iyo aduunkii la yidhi kulmiye waa is khilaafayna inay Maanta inoogu dambayso,” ayuu yidhi Guddoomiye Saleebaan Maxamuud.

Waxa uu tilmaamay in mar haddii ay Garabyadii muddada kala maqnaa ay Maanta isku goob fadhiyaan looga Baahan yahay inay isku duubnidoodii iyo wada shaqayntii soo ceshadaan, waxana uu yidhi,

“ Wixii kale ee is uurxadhashadiina ah  mar haddii hadalku idiin furmay waydin sii wadan doontaan, idinkuna raggii is wada ahaa ee xisbil xaakimka ahaa ee dawladduna umadda wada dhaqaysay idinkuna ku kaalmaynayseen xisbi ahaan inaad ahaataan ayaanu idinka Codsanaynaa.”

Saleebaan Maxamuud Aadan waxa uu sheegay inay qurux badan tahay in wixii dhibaato ah ee  Ina dhex yimi si turxaan la’aan ah loo dhamaystiro, waxana uu labada dhina kula dardaarmay inay si niyad ah uga midho dhaliyaan Dedaalkooda, isla-markaana gacmaha isku qabsadaan sidii ay Hadaf iy ujeeddo mid ah wada Yeelan lahaayeen.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment