Saturday, June 7, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Waji Furan Ku Soo Dhaweeyey Go’aamadii Guurtidu Ku Furdaamisay Khilaafka Kulmiye”

Hargeysa:June,07,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo), ayaa ka Hadlay Sida uu u arko Go’aamada Guurtidu ka soo saartay Khilaafkii muddada ku soo dhex jirey Xisbiga uu aasaasaha u ahaa ee Kulmiye.

farxMadaxweyne Siilaanyo oo ka Hadlayey Go’aamada ayaa sheegay inuu si weyn u soo Dhaweynayo, waxana uu isagoo dhoolla caddayaya tilmaamay in Guurtida qaranku hawshoodii Guteen,isla-markaana Dhinaciisa ay  Aqbaleen  Natiijada,

“Waan Qaatay Go’aankaasi ay golaha guurtidu soo saareen” ayuu yidhi mar uu Madaxweynuhu ka Hadlayey inuu Aqbalay Go’aamada iyo in Kale.

Madaxweyne Siilaanyo intaas ku daray inay lagama Maarmaan Tahay inay Go’aamada Aqbalaan maadaama markii horeba ogolaadeen in arrinta Guurtidu ay galaan, waxana uu yidhi,

“Sida ay tahay ayaanu u aragnaa,  waxa ay tahayna waanu qaadanay, maadama aanu aqbalnay in ay Golaha Guurtidu dhexdhexaadin gasho,”

Go’aamadan Maanta la soo saaray ayaa u muuqda kuwo si Buuxda u taageeraya Rabitaanka Madaxweynaha iyo Kooxdiisa, isla-markaana Difaacaya Go’aamadii Guddidii shirweynuhu soo Saareen oo ay hore u deedafeeyey Muuse Biixi  iyo Kooxdiisu,  mana Muuqato Sabab uu Maanta Udiido Go’aamadaasi.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment