Saturday, June 7, 2014

Madaxweynaha Cusub ee Dalka Ukrain Oo Xilkii Si Rasmi ah Loogu Dhaariyey Maanta

Kiev:June,07,2014(Himilo)-Waxa Maanta Xilka Madaxtinimo si rasmi ah loogu dhaariyey Madaxweynaha cusub ee Dalka Ukrain Petro Poroschenko oo dhawaan ku Guulaystay Tartankii Jagadaas loo Galay.

ukrMadaxweynaha ayaa munaasibaddii dhaarintiisa ka sheegay inuu soo dhaweynayo Kooxaha wali ku Hawllan rabshada ee Bariga Dalkaasi oo uu si weyn u  taageero Ruushku.

Madaxweyne Poroschenko ayaa sidoo kale sheegay in Jasiiradii Cramie ee Ruushka la wareegay ay weli kamid tahay wadanka iyo dhulka Ukraine oo aanu si dhib yar uga Hadhi Doonin inay Dalkiisa ka mid tahay.

Xili la dhaarinayey Madaxweynaha Ukraine ayaa waxaa magaalooyinka bari ee dalkaasi Ukraine kasii socday dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowlada iyo xoogaga gooni isu taaga doonaya oo weli gacanta ku haya magaalooyinka qaar.

 

Kooxdan ayaa maanta soo diray diyaarad nooca xamuulka qaada oo ay lahaayeen ciidamada Ukraine.

Madaxweynahan cusub oo ah Maalqabeen caan ka ah dalkaasi, ayaa xidhiidh dhaw la leh Dalalka reer Galbeedka oo ka dambeeyey Inuu xilka Qabsado, waxase Caqabad ku ah cadaadiska Ruushku Dalkiisa ku Hayo oo dhaqaalihii waddanka Hoos u dhigay.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment