Tuesday, June 3, 2014

Hal Qof Oo Ku Geeriyooday Iyo Kow Iyo Toban Qof Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaadiid Oo Ka Dhacay Agagaarka Madaarka Hargeysa




Hargeysa (Himilo) Shil gaadhi oo ka dhacay agagaarka madaarka cigaal international airport ee magaalad hargeysa ayaa geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.


Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in shilkan ay ku geeriyootay ruux dumar ahi islamarkaana dhaawacyo kala duwan oo isugu jira kuwo culus iyo kuwo fudud ay ka soo gaadheen kow iyo toban qof oo kale oo dhamaantood haatan lagu daawaynayo cusbitaalka guud ee magaalada hargeysa.


Shilkan sababtii keentay iyo sidii uu u dhacayba baadhistiisa waxa ku guda jira ciidamada nabadgelyada wadoooyinka.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment