“Waxa soo maray Adduunyada Cid badan oo xoog iyo awood tijaabisay, waxaanay ku dhammaysatay khaatumo aan fiicnayn..” Xoghayaha Siyaasadda WADDANI Maxamuud Raage Ibraahin
“Kelmadda Shaani waxay doonto ha ahaatee way nagu badatay Shaani waa Sharaabe, Sharaabkeeda haloo daayo…”Maxamed Cali Cabdi Masuul ka tirsan Xisbiga WADDANI
Hargeysa, 04 June, 2014 (Himilo)- Xoghayaha Siyaasadda arrimaha dibedda Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Maxamuud Raage Ibraahin iyo Xubno ka tirsan Laamaha dibedda ee Xisbigaas oo Hargeysa soo gaadhay, ayaa ka hadlay khilaafka kala qaybiyey Xisbiga talada haya ee KULMIYE, waxaanay sheegeen in khilaafkaas iyo waxyaabaha ka dhashay ay werwer iyo walaac ku abuureen dadka reer Somaliland ee ku dhaqan dalka dibeddiisa.
Xoghayaha Siyaasadda arrimaha dibedda ee Xisbiga WADDANI Maxamuud Raage Ibraahin iyo xubnaha la socday oo shalay Masuuliyiinta WADDANI qaarkood ku soo dhaweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee Cigaal oo ay ka soo degeen ka dib, waxay Warbaahinta uga warrameen dariinka uu dhaliyey khilaafkaasi iyo werwerka uu ku abuuray Shacabka reer Somaliland ee dibedda, waxaanay talooyin u soo jeediyeen Shacabka, dawladda, Guurtida iyo dhinacyada KULMIYE u qaybsamay.
“Rag damac kama dhammaado, Maan Ragna waa mudacyo afkood, se yaan loo marin waddo qalloocan, dawladduna yay isku dayin inay u haysato awood iyadoo isticmaalaysa caddaalad-darro……Waxaan hoosta ka xarriiqayaa Hay’adaha Garsoorka, Caddaaladda iyo cid kasta oo haysa xukun inay ILLAAHAY uga baqaan oo ay caddaalad sameeyaan.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Raage Ibraahin oo ugu horreyn halkaas ka hadlay.
Waxaanu Maxamuud Raage Ibraahin sheegay inay Diinta Islaamku si weyn oo aan la dhayalsan karin Illaahay ugu qeexay Caddaaladdu siday lagama maarmaanka u tahay iyo sida looga baahan yahay in qofka Islaamka ahi ugu dhaqmo, waxaanu yidhi; “Caddaaladdu Carbkay ka bilaabantaa, naftaaday ka bilaabantaa, meel walbana way u gudbaysaa, ma soconayo dhaqanka odhanaya ama annaga na raac ama cadawga raac, ma soconayso Jujuub iyo xoog, waxa soo maray adduunyada cid badan oo xoog iyo awood tijaabisay, waxaanay ku dhammaysatay khaatumo aan fiicnayn.”
Waxa uu sheegay Xoghaye Raage inaanay ku faraxsanayn khilaafka KULMIYE waxaanu yidhi; “Annagu haddaannu Xisbiga WADDANI nahay, waxaan shacabka reer Somaliland u sheegayaa, waxaan dadka ugu yeedhaynaa maaha qabyaalad ee waa in qabyaalad laga guuraa, waxaan dadka ugu yeedhaynaa maaha caddaalad-darro ee waa in caddaalad la helaa, waxaannu dadka ugu yeedhaynaa maaha Garsoor-xumo ee waa in Garsoor la helaa, waxaan dadka ugu yeedhaynaa maaha kala sarrayn ee waa in sinnaan la helaa, waxaan dadka ugu yeedhaynaa maaha musuqmaasuq ee waa in hufnaan la helaa, waxaannu dadka ugu yeedhaynaa maaha kibir ee waa in la helaa is-dhul-dhig iyo wanaag madaxtinnimo.”
“Annagu khilaafka KULMIYE iyo burburkiisa ku farxi mayno, waxaannu doonaynaa inaannu ula tartanno si hufan…KULMIYE shalay iyagoo dhan oo Hool fadhiya ayay qoslayeen markii Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Mikrifoonka loo dhiibayey ee Askartu fadhiisinaysay (dibedda loo saarayey) ninna muu odhan hallaga daayo, innagoo ka dheragsan in C/Raxmaan C/Qaadir uu ku dhabar-beelay soodhawaynta Madaxweynaha dalka maanta ka taliya Axmed Maxamed Siilaanyo.” Sidaa ayuu yidhi Xoghayaha Siyaasadda WADDANI Maxamuud Raage.
Waxaanu intaas sii raaciyey oo yidhi; “Innagoo ka dheragsan tacabka uu u soo galay Xisbiga iyo Saaxiibka uu ahaa oo aan anigu garanayo oo aan la soo shaqeeyey siddeed sano, in cidla looga guuro oo weliba la jujuubo oo qoorta laga qabto waxay u ahayd sidii Riwaayadda oo kale iyaga. Maanta annagu ku farxi mayno, Illaahay ha idin kala celiyo ayaannu leenahay, ILLAAHAY dhibaatadiinna iyo Finfiniinkiinna hannaga hayo oo xaqa ha idin garansiiyo.”
“Madaxweynaha Sharafta leh mar keliya lagama maqal muddo-kordhin, ee suuqana intaa waa lagu hadal-hayaa, isagu tartan buu sheegtay inuu u diyaar yahay. Waan uga digayaa Guurtidu inay kordhin ku sadqayso khilaafka KULMIYE, waana taariikh madaw ee iska jira.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Raage. Waxaanu intaas ku daray in waxa wanaagsan ee ay dawladdu qabato ay ku faanayaan waxay qaladdana ay u tilmaamayaan Mucaarid ahaan.
Waxa uu Maxamuud Raage soo jeediyey in wax kasta oo la isku hayo ama la isku diiddan yahay Somaliland-nimada laga horreysiiyo, isla markaana la ilaaliyo midnimada, wada-jirka iyo in laga dheeraado ku dhaqanka qabyaaladda oo uu sheegay inaanay dhibaato mooyee wanaag lahayn, dib u socod mooyee hor-u-socod lahayn.
Maxamed Cali oo isaguna ka mid ah hoggaanka Xisbiga WADDANI oo Xoghayaha Siyaasadda Xisbigaas ku weheliyey Safarkiisa Somaliland, ayaa sheegay in shacabka qurbaha ay ka yimaaddeen werwer soo food-saaray maalmihii u dambaysay, ka dib khilaafka KULMIYE iyo dhawaaqyada Qaraxyada Hargeysa laga maqlayey, waxaanu yidhi; “Waxaannu leenahay kelmadda Shaani waxay doonto ha ahaatee way nagu yar badatay, cabsiduna way ku badatay dadka, xaggaa (qurbaha) Sharaab baa laga cabbaa oo Shaani waa Sharaabe, Sharaabkeeda halloo daayo. Xisbiga KULMIYE waxaan rejaynayaa inuu khilaafkiisa si fiican u soo afjaro dhawaan Insha ALLAAH.”
Waxaanu sidoo kale, u soo jeediyey qaybaha kala duwan ee Bulshada reer Somaliland inay ka dheeraadaan ku dhaqanka qabyaaladda, isla markaana looga baahan yahay inay koraan oo aanay Xisbiyada Caaddifad iyo qabyaalad ku taageerin ee ay la Xisaabtamaan inta ay qalin iyo warqad qaataan, lana ilaaliyo jiritaanka Xisbiyada oo uu xusay inay yihiin Hanti Qaran. Xubno kale oo iyaguna ka mid ahaa Weftiga WADDANI ee qurbaha ka yimi, ayaa talooyinkaas oo kale u soo jeediyey Shacabka, dawladda iyo Xisbiga KULMIYE-ba.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment