Saturday, June 7, 2014

Somaliland: Xuska Maalinta Deegaanka Adduunka oo Dhir Cagaaran lagu Maamuusay iyo Weedhihii Marwooyinka




Hargeysa, 07June, 2014 (Himilo)- Guud ahaan dalka Somaliland, ayaa ballaadhan looga xusay Maalinta caalamiga ah ee Deegaanka Adduunka oo sannad kasta la xuso 5-ta bisha June, Taasoo ay Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland ku maamuustay dhiraynta, iyadoo qaybiysay Geedo Cagaaran oo kala duwan, isla markaana isugu jiray kuwa bilicda iyo kuwa la manaafacaadsado.


Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde, ayaa ka qaybgashay Munaasibad lagu qabtay Xaafadda Cusub ee Degaala oo ku taalla Bariga Garoonka diyaaradaha ee magaalada Hargeysa, taasoo lagu xusayey maalinta deegaanka oo 5-ta bisha June oo ku beegnayd Khamiistii dorraad, Xaafaddaas oo ay deggan yihiin Dad Baro-kacayaal ah, ayaa ah meel bannaan oo ban oo kale ah, waxaana halkaas oo ay Wasiirka Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare sheegtay inay u doorteen bannaanka ay tahay lagu qaybiyey illaa Kun Geed oo Geedo Cagaaran ah.


Munaasibaddaas oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarradda Deegaanka iyo Horumarinta Somaliland oo si qurux badan loo soo diyaariyey ayay ka sokow Marwada Koowaad ee dalka ay ka qaybgaleen Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka  Nimco Xuseen Qawdhan, Madaxa Xafiiska Samo-falka Madaxtooyada Aamina Maxamuud Diirye, Maayerka Caasimadda Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Masuuliyiin kale, Madaxda Waaxyaha iyo hawl-wadeennada kala duwan ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga.


Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deeganka iyo horumarinta Reer Miyiga Maxmaed Faarax oo furitaankii Munaasibaddaa Maalinta caalamiga ah ee Deegaanka adduunka hadal ka jeediyey, ayaa si qoto dheer uga warramay marxaladaha kala duwan ee ay Wasaaraddu soo martay iyo hawlaha ay ka qabato Deegaanka Somaliland, waxa uu sheegay inay dhibaatada nabaad-guurka, Roob-yaraanta, Abaaraha soo noqnoqda iyo qallaylka dhulkaba ay sababto goynta iyo garaacista Dhirta qoyan, waxaanu soo jeediyey ina la dhawro dhirta oo uu xusay inay muhiimad weyn u leeyihiin nolosha Aadamaha, Xoolaha iyo Makhluuqaadka kale ee dhulka ku dul nool.


shugri-300x225Wasiirka Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Shukri Xaaji Ismaciil Baandare oo Munaasibaddaas ka hadashay, ayaa sharraxday qiimaha ay leedahay maalinta Deegaanka Adduunka, waxaanay sheegtay in sannadkan ay ugu talo-galeen in Dhir ka baddan 23,000 oo geed ay qaybiyaan, waxaanay intaas ku dartay in dalka oo dhan ay Wasaarad ahaan ka qaybiyeen Dhir tiradoodu ka badan tahay 23,470 Geed oo isugu jira kuwa loogu talo-galay Bilicda, Hadhka iyo Kuwa Midhaha leh ee la manaafacaadsado.


Waxa ay Wasiirka Deegaanku ku boorrisay guud ahaan dadweynaha reer Somaliland inay dhawraan oo ay ilaaliyaan deegaanka oo Dhirta ay beeraan oo ay dhaqaan, balse aanay goynin dhirta qoyan ee manaafacaadka u leh dadka, duunyada iyo deegaanka-ba. Taasoo ay ku xidhan tahay jiritaanka deegaan qurux badan oo fayoow oo aan lahayn xaaluf iyo nabaad-guur.


“Waddanka daafihiisa oo dhan dhir baa laga qaybiyey, Saddex iyo labaatan kun oo geed in ka badan  (23470) ayaa lagu qaybiyey dacallada Somaliland. Dhirta aannu qaybinnay maanta (Khamiistii) qolada ugu wanaagsanaata ee 70%- toddobaatan boqolkiiba ay u baxdo ee dhirtaas aannu qaybinnay hagaajisa iyo deegaannada kaba sii badiya ee 80%/ 90%-kiiba ay u baxaan waannu baadhaynaa haddii Illaahay yidhaahdo, Abaal-marin ay mutaysteen baa la siin doonaa…Dhirta waysadiinna oo aad Sixniga dharka lagu maydho ku waysaysataan ayaad ku biyeynaysaan biyo kale idiinkama baahna.” Sidaa ayay tidhi Wasiirka Wasaaradda Deegaanka Somaliland Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare.


Wasiirka Deegaanku waxay qaybaha kala duwan ee Bulshada ugu baaqday in qaybinta dhirtu toddobaadkan oo dhan sii socon doonto, isla markaana cid kasta oo xarumaha Wasaaradda u soo doonta la siin doono, iyagoo aan wax lacag ah lagu xidhayn ee ay bilaash yihiin, taasoo ay Wasiirku sheegtay in ujeeddada laga leeyahay ay tahay in Somaliland noqoto deegaan Cagaaran, dhiraysan oo aan xaaluf iyo nabaad-guur ka muuqan.


Marwada Koowaad Marwo Aamina-waris Sheekh Muxumed Jirde oo Munaasibaddaas hadashay, ayaa sheegtay inay Maalinta Xuska Deegaanku tahay dharaar qiimo muhiim ah caalamka ugu fadhida. “Maanta waa maalin qiimo weyn innoogu fadhida, waa maalinta adduunku u asteeyey Maalinta Deegaanka, adduunka kale deegaanka markay u asteeyeen Daraasado ay sameeyeen ayay tilmaamo ka bixiyeen, hadday tahay Cimilada oo kululaatay, hadday tahay Daadadka iyo Roobabka oo meelo ku batay iyo hadday tahay meelo ay Roobabku ku yaraadeen.”


“Waxaan Maanta (Khamiistii) idiinku bushaaraynayaa dawladahaa horumaray ee Daraasadaha sameeyey innagu mid baynu kaga fiicannahay! Ta aynu kaga fiicannahay waxa weeye; Mintid baynu nahay, diyaar baynu u nahay inaynu gacmaha is-qabsanno, diyaar baynu u nahay dawlad iyo Shicib innagoo is-wadanna inaynu dalkeenna horumarinno, sababtaas ayaanaynu halkan isugu nimi inaynu Dhirta halkan ku beerno.” Sidaa ayay tidhi Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamino-waris Sh. Muxumed Jirde, waxaanay u rejaysay dadweynaha ku dhaqan Xaafadda cusub ee Digaale inay sannadaha soo socda ay Xaafaddaasi noqoto Deegaan Cagaaran oo dhir badani ka baxdo. Waxaanay guud ahaan Bulshada Somaliland u soo jeedisay in lagu dedaalo dhiraynta deegaanka iyo ilaalinta dhirta jirta.


Waxa iyaguna Munaasibaddaa hadallo ka jeediyey Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Waxbarashada Somaliland Samsam Cabdi Aadan, Wasiir Ku-xigeenka Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan iyo xubno ka mid ah Masuuliyiinta kale ee Xuskaas ka qaybgalay, kuwaasoo dhammaantood ka warramay muhiimadda ilaalinta dhirtu u leedahay jiritaanka Noolaha.


Himilomedia.com


Hargeysa-Somalliland

No comments:

Post a Comment