Hargeysa, 07 June, 2014 (Himilo)- Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo), ayaa Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka Hubka ee dalalka Soomaaliya iyo Eritrea ugu baaqay inay ka waan-toobaan faragelinta ay ku hayaan Arrimaha Somaliland.
Guddiga Kormeerka Hubka dalalka Somalia iyo Eretria oo Qaramada Midoobay cuno-qabatayn ka saartay soo-iibsashada hubka, ayaa warbixin dhowaan ay u gudbiyeen Golaha Ammaanka, waxa ay si qaawan ugu weerareen qorshe Xukuumadda Somaliland ciidamo gaar ah oo ilaaliya ugu samaynayso goobo ku yaala Bariga dalka oo shirkado Xukuumaddu heshiis la gashay ka fulinayaan Sahamin shidaal, kuwaas oo qaarkood hore hakiyeen hawshooda ka dib markii digniino dhinaca ammaanka ahi ka soo baxeen waddamada reer Galbeed qaarkood oo shirkadahaas laga leeyahay.
Madaxweynaha Somaliland waxa uu sheegay in shacabka iyo dawladda Somaliland heegan ugu jiraan inay ilaashadaan hantidooda iyo wax kasta oo dhaqaalahoodu ku xidhan yahay, sida lagu sheegay farriin lagu baahiyey bogga uu madaxweyne Siilaanyo ku leeyahay barta xidhiidhka bulshada ee Twitter-ka.
“Waxaan ugu baaqaynaa Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Kormeerka Soomaaliya iyo Eritrea inay joojiyaan faragelinta ay ku hayaan Arrimaha Gudaha Somaliland,” sidaas waxa u dhignaa farriinta madaxweynuhu baaqa ugu jeediyey Guddigaas.
Farriinta madaxweynaha, ayaa sidoo kale lagu sheegay, “Somaliland way ilaashanaysaa ilahooda dhaqaale.”
Hadalka Madaxweyne Siilanyo ayaa ku soo beegmaya wakhti maalmo ka hor qoraal guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan kormeerka Arrimaah Soomaaliya iyo Eritrea u gudbiyeen Golaha Amaanka, kaas oo ay su’aal ku geliyeen ciidamo isugu jira Milatari iyo Boolis oo Somaliland u samaynayso inay ilaaliyaan goobaha shidaal-baadhista laga samaynayo ee dalka.
Warbixinta loo gudbiyey Golaha Ammaanka, ayaa lagu sheegay inay ciidamadaasi musharaadka ka helayaan Shirkadaha baadhaya Shidaalka , taasina sababi karo inay Somaliland u nuglaato faro-gelin iyo gacan-maroorsi shirkadahaas kaga yimaadda isla markaana saamayn ku yeesha amniga dalka.
Haseyeeshee, Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Eng Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa sheegay maamul ahaan inay ciidamadaasi hoostagayaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, isla markaansna aanay jirin ciidamo cusub oo la samaynayo balse laga soo dhex-xulanayo Ciidamada Milatariga iyo Booliska ee dalka.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalliland
No comments:
Post a Comment