Nairobi, 07 June, 2014 (Himilo)- Iyada oo in ka badan 15 sano oo laga joogo weerarkii lala beegsaday Safaaradda Maraykanku ku lahaa Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi oo ay ku dhinteen dad lagu qiyaasay 200- oo qof, ayaa haddana waxa kor u sii kacaya casbida laga qabo in mar kale la bar-tilmaameedsado, waxaana Safaaraddooda Nairobi la keenay Ciidammo dheeri ah oo amnigeeda ilaaliya.
Qaar ka mid ah Sirdoonka Maraykanka ayaa shaaciyay in ay jirto khatar kusoo waajahan danahooda Kenya haddii aan laga hor-tegain, iyadoo ay sii korodhay digniinta laga muujinayo weerarro argaggixiso oo lala beegsado Safaaradaha Reer Galbeedku ku leeyihiin Caasimadda Kenya, ka dib weerarkii lagu qaaday dhismaha Suuqa Ganacsiga magaalada Nairobi ee Westgate Mall bilawgii bishii October 2013, kaasoo ayku nafwaayeen dad ka badan toddobaatan qof ku dhawaad laba boqolna ku dhaawacmeen, waxaana Masuuliyadda weerarkaas oo ahaa kii ugu yaabka badnaa ee gudaha Kenya laga fuliyo sheegatay Malleeshiyada Al-Shabaab ee Soomaaliya ka dagaallanta.
Robert Godec oo ah Safiirka Maraykanka ee Nairobi oo shir la qaadanayay afar boqol oo ruux oo ka mid ah dadka haysta dhalashada Maraykanka ee ku dhaqan Caasimadda dalka Kenya ee Nairobi iyo nawaaxigeeda, ayaa sheegay in aanay ahayn mid la dhayalsan karo halista ka iman karta kooxaha argaggixisada ah ee Al-Shabaab hanjabaadohooda sida uu hadalka u dhigay iyo xogaha ay helayaan marka la isu eego, waxaanu yidhi; “Waan ognahay in ay jirto khatar aan caadi ahayn oo aan la dhayalsan karin.”
Matt Bryden oo hore ula soo shaqeeyay Guddiga ka Masuulka ah cuno-qabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya iyo Ereteria, ayaa isna sheegay in ay jiraan digniino hor leh oo laga soo saaray arrimahan, isagoo xusay in goobaha la beegsan karo uu ku jiro Saldhigga Millateri ee Maraykanku uu ku leeyahay dalka Jabuuti.
Sidoo kale Marion Cotter oo Madax ka ah amniga Safaaradda Maraykanka ee Nairobi, ayaa isna tilmaamay in kooxaha argaggixisda ahi ay bilaabeen isticmaalidda Bambooyinka laga hago rumuudka, taasoo khatarta sii kordhin karta sida uu sheegay. Waxaanu sheegay qaabkaa cusub oo ay Al-Shabaab-na wakhtigan ku shaqaysaa inuu yahay mid si dhib yar loo fulin karo, iyada oo aan cidda fulinaysana la arkaynin.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo Arbacadii la soo dhaafay la hadlay Warbaahinta, ayaa sheegay in dowladdiisa ay ka go’antahay ilaalinta dalka, waxaana Ciidammada amniga Kenya ay bilaabeen in ay roondooyin ka sameeyaan qaar ka mid ah goobaha lagu tuhmayo in laga soo qaadi karo weerarro argagaxiso.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalliland
No comments:
Post a Comment