Guddoomiye Muuse oo ku sugnaa Madashii lagu soo bandhigayey Go’aamada ayaa sheegay inuu Gebi ahaanba aqbalay Go’aamada, isla-markaana uu Danta Qaranka siiyey Tixgelin iyo muhiimad weyn.Muuse Biixi Cabdi uu ku tuntuunsaday inuu qaddarinn u hayo Go’aamada maadaama uu markii hore Xubnaha Dhexdhexaadinta Gelayey uu siiyey Kasooni Buuxda, “Waxa ay ila tahay hadii aad rag arrin u dhiibato, maaha sidii aad doonaysay in ay kuu xukumaan, in kasta oo ay adag tahay sida ay wax u jareen, hadana waan aqbalay” ayuu yidhi ayuu yidhi Muuse Biixi.
Muuse Biixi Cabdi oo la weydiiyey Maadaama uu sheegay inay wax adag jareen, balse sida ay ula muuqata aqbalaadoodu, ayaa yidhi,
“Aniga waxba la iima soo qaadin, dhinacii kale ayaa wax la siiyay, waan qaatay, danta qaranka ayaanan u qaatay”
Hadalkan muuse Biixi ayaa muujinaya inaan Muuse iyo Kooxdiisu aanay si Buuxda ugu faraxsanayn Hannaanka Guurtidu u garnaqday, waxana uu sidoo kale caddaynayaa inuu Danta Guud ahmiyad Bada siiyey.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment