Galkacayo. 07 June, 2014 (Himilo)- Shaqaale ka tirsan hay’adda gargaarka IAS oo muddo laba sannadood afduub loogu haystay dalkaasi Soomaaliya, ayaa shalay xoriyadoodii soo celiyey, ka dib markii afduubayaashii haystay fasaxeen.
Shaqaalaha xorriyaddooda loo celiyey oo isugu jira laba nin iyo haweenay, ayaa 11-kii July ee sannadkii 2012 kooxo hubaysan ka qafaasheen magaalada Galkacayo ee badhtamaha Soomaaliya, lama sheegin in sii-deyntoodu ku timi madax-furasho laga bixiyey iyo in kale, waxase la sheegay inay dhinacyo badan oo isugu jira dadka deegaanka, qoysaskooda iyo dawladda Kenya ay dedaal u galeen sidii dadkaas looga furfuri lahaa dablayda afduubka ku haysata.
Saddexda qof oo la sii daayey oo u dhashay dalka Kenya, ayaa magacyadoodu kala yihiin Janet Muthoni Kanga, Martin Mutisya Kioko iyo Abdinoor Dabaso Boru, waxaana af-duubkooda hore u cambaareeyey dalka Kenya, maamul-goboleedka Puntland iyo culimada deegaanka laga af-duubay.
Afhayeen u hadlay hay’adda IAS, ayaa ka gaabsaday inuu tafaasiil dheeraad ah ka bixiyo xaaladooda caafimaad iyo qaabkii sii-deyntoodu u suurto-gashay, kaas oo sheegay sheegay inaanu waxba ka odhan doonin arrimaha la xidhiidha soo-deyntooda oo muddo ku dhow laba sanno ku qaadatay in xorriyadooda loo soo celiyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somalliland
No comments:
Post a Comment