Sunday, July 13, 2014

Jaamacadda Muqdisho oo markii u horreysay Axadda Maanta Tiro Meydad ah ka soo raranaysa dalka Kenya iyo Ujeeddada ay ka leeday

“Dalalka Afrika waan ka raadinnay Meydadkan, waxaan bilawnay wadahadalka oo socday muddo sannad ku dhaw, waxaana hadda aannu gaadhnay heshiis naloogu oggolaaday Meydadkaas inaannu qaadanno…” Masuul ka tirsan Jaamacadda Muqdisho University

 

Nairobi, 13 July, 2014 (Himilo)- Jaamacadda Muqdisho University oo ku taalla magaalada Muqdisho ee Caasimaddda dalka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay Meydad ka soo raranaysa Axadda Maanta Jaamacadda Kenyatta oo ku taalla magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya, waxaanay tani noqonaysaa markii ugu horreysay ee Jaamacad ku Soomaaliya ku taallaa ay Meydad dad dhintay ka soo rarato dal kale.

Madaxa Caafimaadka Kulliyadda Jaamacadda Muqdisho ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho Dr. Cismaan Barre, ayaa sheegay in ujeeddada ay u soo qaadanayaan Meydadkaas tahay in wax lagu baro Ardayda Culuumta Caafimaadka ka barata Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacaddaas, isla markaana maaddaama oo aanay Diinta Islaamka iyo Dhaqanka Soomaalida midna oggolayn in Meydadka Soomaalida ku dhimata Muqdisho ama Soomaaliya lagu tabobbaran Karin ee qof walba ehelkiisa iyo inta Islaamka ah ee ugu dhawi aasato, sida ay Diintu inna farayso.

Dr. Cismaan Barre oo ah Madaxa qaybta Caafimaadka ee Jaamacadda Muqdisho oo Waraysi siiyey shalay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, waxa uu sheegay inay wadahadal muddo sannad ku dhaw u soo socday ka dib ay ku guulaysteen in loo oggolaado inay Meydad tiradoodu dhan tahay Shan Meyd Axadda maanta ka rartaan Jaamacadda Kenyatta ee Nairobi.

“Waxa keenay maaddaama oo uu innaga dhaqankeennu Diin ahaan diidayo in Meyd inta la soo qaado Miiska la saaro oo Ardayda Soomalaiyeed ay wax ku barato. Haddana markaan nidhi waxaan u baahnay Kulliyad Caafimaad sida uu dhigayo Habka Barashada Caafimaadka ee WHO oo ah in tobankii Arday-ba ay helaan Hal Meyd oo ay wax ku bartaan. Markaa si aan taas u buuxinno dhaqankiina aannaan uga fogaan waxay notay inaan Meyd raadinno, meelo badan baannu ka raadinnay oo Bariga iyo Galbeedka Afrika ah Gana illaa Nageria.” Sidaa ayuu yidhi Dr. Cismaan Barre oo ah Madaxa Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Muqdisho.

Dr. Cismaan waxa uu sheegay in wadahadal muddo sannad ku siman u soo socday Jaamacadaha Kenyatta ee magaalada Nairobi Jaamacadda Muqdisho ee magaalada Muqdisho, ka dib heshiiskan la gaadhay, waxaanu yidhi; “Wadahadalkaannu bilawnay waxa uu hadda soo gaadhay in naloo oggolaado inaannu qaadanno Meydadka, heshiiska aan galnay Jaamacadda Kenyatta waxa weeye inay labada Jaamacadood iska caawiyaan, hadda waxay na siinayaan Shan Meyd, laakiin waannu badsan karnaa, balse waxay ku xidhan tahay Ardayda aannu qaadanno oo sannadkii waxaannu Caafimaadka u qaadannaa Konton Arday, Shantaa Meyd-na Axadda ayaannu u qaadaynaa Muqdisho, waxaanu soo socday muddo sannad ku dhaw heshiiskani.”

Madaxa Kulliyadda Caafimaadka Jaamacadda Muqdisho ee magaalada Muqdisho Dr. Cismaan oo la weydiiyey maaddaama oo ay Muqdisho tahay magaalo maalin kasta intaas oo qof lagu dilo oo Meydad badan ay heli karaan, sababta ay Kenya ugu doonteen, waxa uu ku jawaabay; “Innaga dhaqankeenna ayaa diidaya, qofku markuu dhinitana waxa uu noqonayaa qof dad leh, oo ay dadkiisu duuganayaan (aasanayaan). Laakiin, iyagu sharci bay leeyihiin ah marka qofka uu dhinto in baadhis la mariyo oo Cusbitaal la dhigo, isla markaana baadhis ka dib ciddiisu ay soo doonato oo ay duugato, balse Meydadka cidi soo doonan waydo waxa la geeyaa Kulliyadaha Caafimaadka lagu barto oo uu sharcigoodu dhigayo.”

Waxa uu Dr. Cismaan ku dooday in Diinta Islaamku aanay oggolayn in Meydadka Islaamka sidan oo kale loogu takri-falo, sidaa daraaddeed-na doonista Meydadka ay Caafimaad ahaan ugu baahdeen inay Meydad Ardayda wax lagu baro ay helaan, isla markaana uu ku qaatay muddo sannad ku dhaw inuu soo jiitamayey heshiiska ay la galeen Jaamacadda Kenyatta ee magaalada Nairobi, isagoo xusay in maaddaama oo ay yihiin laba dal oo Deris ah Meydadkan hadda lagu siiyey si lacag la’aan ah oo Hadyad ahaan ah sida uu sheegay.

Dr. Cismaan, ayaa sheegay inay Ardayda Meydadkan ay Axadda maanta ka soo rarayaan Nairobi ee ay Muqdisho keenayaan, wax badan ka kaabi doonaan aqoonta Caafimaadka ee ay baranayaan Ardayda Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Muqdisho, kuwaasoo uu tilmaamay inay qayb kasta oo Meydadka ka mid ah inay qalliimo iyo tabobbar ku qaadan doonaan Ardayda Jaamacadda Muqdisho.

Heshiiskan ay Jaamacadda Muqdisho University ee magaalada Muqdisho ku soo raranayso Meydadka Ajaanibka Kenya, ayaa noqonaysa tallaabadii ugu horreysay ee ay Jaamacaddaas iyo weliba Jaamacadaha kale ee dalkaasi Meydad kaga soo rartaan waddan dibedeed.

Himilomedia.com                                     

Hargeys-Somaliland

No comments:

Post a Comment