Saturday, July 12, 2014

Lix Ka Mid ah Maamulayaasha Dugsiyada Hargeysa oo Xilkii Laga Qaaday iyo Beddelkoodii oo la magacaabay

Hargeysa:July12,2014(Himilo)-Guddoonka wasaaradda Waxbarashada somaliland u qaabilsan Gobolka Maroodi-jeex, ayaa wareegto uu soo saaray xilkii kaga qaaday Lix ka mid ah Maamulayaasha Dugsiyada Hoose iyo sare ee Magaalada Hargeysa, isla-markaana Magacaabay Beddelkoodii.

top-newsGuddoomiye Xuseen Ibraahim Xasan, waxa uu wareegtada uu soo saaray ku sheegay  lixdaas Maamule ay shaqada ay wasaaradda u hayaan ku wareejiyaan Lixda Qof ee lagu beddelay, isagoo sababta xilka-qaadistana ku sheegay dardar gelinta Hawlaha Waxbarasho ee Dalka.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in maamulihii Dugsiga Dayir Gurey Khaddar cismaan Cilmi laga qaaday shaqadaas, iyadoo beddelkiisii la keenay Guuleed Yuusuf Iidaan oo Noqon doona Maamulaha Cusub ee Dayir Gurey..

Sidoo kale Maamulihii Dugsiga Sare ee Faarax Oomaar Cabdishakuur Maxamed Ismaacil, ayaa laga qaaday shaqadii, iyadoo beddelkiisii la keenay Axmed Cabdi warsame.

Cabdi xasan Cawad oo  ahaa maamulaha Dugsiga M.a. Sheef ayaa isaga shaqadii laga eryey, iyadoo lagu beddelay Axmed Xaashi Jaamac.

Cabdiqaadir ibraahim Khaliif oo  Dugsiga Sare ee Gaandi  Maamule ka ahaa ayaa laga qaaday shaqadii, iyadoo lagu beddelay Cabdiqaadir cabdilaahi Jaamac.

Cabdiraxmaan Cumar Xayd oo ahaa Maamulalaha Dugsiga H/Dhexe ee  A. dhagax  ayaa shaqadii laga caydhiyey, waxana lagu beddelay Siciidi Cilmi Tukaale.

Cabdilaladiif sheikh Mamed Cabdi  oo maamuli jirey Dugsiga H/dhexe ee G. dheere  ayaa isaga Xilkii maamulenimo laga qaaday, beddelkiisiina waxa la keenay,Ismaaciil Axmed Jaamac.

Waxa maamulayaasha la faray inay si degdeg ah ula kala wareegaan shaqada loo kala magacaabay, isla-markaana ay xil-wareejinta ku darsadaan Natiijada imtixaankii Dhawaan la qaaday.

Magacaabistan ayaa  ah middii ugu ballaadhnayd ee in muddo ah si wada jir ah loogu sameeyo maamulayaasha Dugsiyada kala duwan ee Caasimadda oo qaarkood muddooyin dhaadheer hayeen Maamulka Dugsiyadaas.

 

Himilo Media


 

No comments:

Post a Comment