Friday, July 18, 2014

Maayirka Caasimada Somaliland Oo Furay Tartanka Ciyaaraha Kubada Kolleyga Ee Bisha Ramadaan

Hargeysa (Himilo) Maayirka caasimada hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa caawa si rasmi ah u furay tartanka kubada kolleyga ee bisha ramadaan, oo loogu magac daray abwaan Xuseen Jaamac Rooble (Gujis)  illaahay naxariistii jano hawgu deeqee oo ka mid ahaa abwaanada somaliland, islamarkaana caan ku ahaa dhiirigalinta dhalinyarada iyo ciyaaraha.

tartanka gujis 1Maayirka caasimada hargeysa ayaa ku deeqay koobka  Tartanka kubada kolleyga ee bisha ee abwaan Gujis oo ay ku hirdami doonaan toddoba kooxood, masuuliyiin ka soo qayb gashay xaflada furitaanka tartankan ayaa ka waramay ahmiyada ciyaaraha iyo qiimaha tartankani leeyahayba.

Guddoomiyaha xidhiidhka  Kubadda Kolayga Maxamuud Xuseen Cabdilaahi ayaa sheegay in tartankan ka qaybgallayo toddoba kooxood oo ka mid ah kooxaha ka jira caasimadda Hargeysa, waxaanu dhiirigalinta tartankan uu uga mahad naqay maayirka caasimada waxaanu yidhi:-

“waxaan maayirka uga mahadnaqayaa dhiirigalinta uu mar walba la garab taagan yihiin ciyaartoyga, waxaana bilo ka soo wareegtay markii uu kharashka ka bixiyey ciyaartooygii ka qaybgalay xulalka caasimadda afrka ee ka dhacayey Taansaaniya, waana nin dhalinyaro oo ciyaartooyga kubadda Kolayga ka mid ahaa, waxa kale oo aan u mahadnaqaya xildhibaan Ismaaciil Cago yare oo mar walba na garabtaagan oo karti badan wax badana nala qabtay”ayuu yidhi guddoomiyaha xidhiidhka kubadda kolayga.

Agaasimaha wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyaradda Maxamed Xuseen Dhabeeyo  ayaa isna   maayirka uga mahadnaqay taageerada uu mar walba la garabtaagan yahay ciyaaraha, waxaana ka mid ahaa hadaladiisa “aad baan ugu faraxsanahay inaan ka soo qaybgalo tartankan lagu xusayo abwaankii caanka ahaa ee Xaaji Gujis oo ka mid ahaa abwaanada taageerada weyn u geysan jiray ciyaaraha, waxa kale oo aan uga mahad celinayaa taageerada uu maayirka Hargeysa la garabtaagan yahay ciyaaraha, waxa kale oo aan u mahad celinayaa xildhibaan Ismaaciil Cago yare oo qayb weyn ka qaatay hirgalinta koobkan, maayirka iyo golaha deegaanku rukun weyn ayey ka yihiin ciyaaraha iyo dhalinyaradda, hore ayaan u sheegay inuu maayirka Hargysa yahay nin dhalinyaro ah oo wax badan fahmaya dhalinyaradda iyo baahidoodda, inuu yahay qof aan waxbadan inagaga qaadanayn arrimahan iyo arrimo kale oo la mid ah in aanu ka dhaadhicino,  waxaan uga mahad celinayaa sida uu gacan weyn uga geystay arrimihii hore ee ciyaaraha ku saabsana iyo sida uu mar walba ugu soo jeedo dhiirgalinta dhalinyarada iyo sida uu xikiisa loo doortay ugu heelan yahay iyo xilal kale ee uu isa saaray, cabdiraxmaan waa nin reer Hargeysa ah waa nin kulmiye ku jiro wax badana ka qaban kara arrimaha dhalinyarada ee garoomo loogu samayn lahaa, waxaana rajaynayaa in qorshayaasha dawlada ay ka mid yihiin sidii garomo loogu samayn lahaa, Abwaan Gujis wuxuu kamid ahaa bahda TImadda Cadde oo uu dhalinyarada guubaabin jiray”

Maayir Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelko, ayaa sheegay inuu bahda CIyaaraha u hayo garoomo badan oo lagu ciyaaro, isla markaana dhowaan ku wareejin doono wasaarada ciyaaraha, sidoo kale waxa uu sheegay inuu gacanta ku hayaan garoomada Maxamuud Haybe, gacan libaax iyo garoonka Biyo dhacayga Sare oo laga dhigi doono garoomo kubadda Kolayga.

Maayirka Hargeysa oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “ciyaaraha qayb weyn baanu ka qaadanaa, ciyaaraha Basketka waxaanu wadnaa garoonkii Maxamuud Haybe oo waxyari ka hadhsan yahay dhamaystirkiisa, garoonkii biyo dhacayga sare isaguna qiimeyntiisa ayaanu wadnaa,  kuwo kubada cagta garoonkii xawaadle waanu dhisnay, imika waxaanu gacanta ku haynaa kii gacan libaax oo lagu xigsiin doono ka Maxamuud Haybe, run ahaantii dhul badan ayaanu ugu talogalay in laga dhigo garoomo, xildhibaanka Warfaa aan la yar kaftamee ciyaartoygii hore ee kubada cagtu garoomo doog leh ayey sameeyen ee waxay dhaxantu ka haysaa ciyaartoygiii baasketka, anagu dhulkii waanu idin haynaa garoomadii  Baasketka ee dhaqaalaha oo kooban  darteed ma wada dhisi karno  ee  waa inaad ka qayb qaadataa dhismayasha garoomadda kale, waxaan aad uga mahad celinayaa xildhibaan ISmaaciil waa guddoomiyaha nabadgalyada laakiin bahda ciyaartoyga aad buu ugu dadaalaa, imika tan abaabulkeedii qayb weyn buu ka qaatay, Abwaankan lagu xusayna markii igu horeysay ee aan arko garoonka timacada cade ayuu dhex taagnaa, garoonka lagu ciyaaro ee Abwaan Timacad lagu magac daray”

Sdioo kale waxa uu sheegay in ciyaartoygii ka qaybgalayey tartanka caalamiga ahaa ee Taansaniya inay kharashkeeda iska kaashadeen Dawlada Hoose, Madaxweynaha iyo wasaarada Ciyaaraha.

Sidoo kale, XIldhibaan Ismaaciil Cago yare oo ka mid ah xildhibaanadda golaha deegaanka Hargeysa,  xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo kamid ah ciyaartoygii kubadda kolayga kaas oo uga mahad celiyey maayirka furitaanka uu ka geystay wareegaan.

Intaas ka dib maayirku waxa uu koobkii ku wareejiyey guddoomiyaha xidhiidhka kubadda kolayga.

Himilomedia.com

Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment