
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo la hadlay warbaahinta, waxa uu u mahad celiyay dadkii halkaasi ku soo dhaweeyay, waxaanu ugu bushaareeyay jaaliyada reer London inuu la ciidi doono munaasibadda Ciidda Soonfureed.
“Farxad weyn ayay noo tahay aniga iyo weftiga ila socdaba inaad halkan si wanaagsan noogu soo dhaweysaan, waa idiinka mahad-celinaynaa, safarka aan u socdaa waa safar gaaban fasax oo aan halkan doonayo inaan idin kula qaato dadka reer Somaliland oo idinkula ciido,”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland oo hadalkiisa sii watay, waxaanu yidhi “Waxaan socdaal ku soo maray dalka Itoobiya oo si fiican na loogu soo dhaweeyay, waxaana ka wada hadalnay danaha labada dal oo si fiican aanu iskugu afgaranay, wakhtiga aan joogo (UK) inaan idinla ciido kulamo-na ayaan doonayaa.”
Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa socdaalkiisa ku wehelinaya Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Weris), Wasiirrada Arrimaha dibadda iyo Waxbarashadda Maxamed Biixi Yoonis iyo Samsam Cabdi Aadan.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment