Sunday, July 13, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ku Jihaysan Dalka Britain saaka u Ambabaxay, Siina Mari Doona Ethiopia Oo Dabcisay Xidhiidhka ay Somaliland la Leedahay

Hargeysa:July,13,2014(Himilo)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa Maanta  dalka dibadda uga dhoofay.

siieSafarka madaxweynaha, ayaa safarkiia waxa ku wehelinaya Wasiirkiisa Arrimiha Gudaha, Marwadiisa iyo xubno kale, waxana ay ku jihaysan yihiin Dhinaca Dalka Britain, iyagoo sii mari doona Dalka Ethiopia oo muddooyinkii ugu dambeeyey Xidhay Xuduudda uu la wadaago Somaliland.

Madaxweynaha ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin dalka waxa uu la Hadlay warbaahinta, isagoo sheegay inay kulamo la qaadan doonaan Madaxda dalka Ethiopia ka hor inta aanay gaadhin dalka Britain.

Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sheegay inuu safari saga u gaar ah ku tegayo dalka Britain, balse waxa aanu meesha ka saarinn inuu kulamo la qaadan doono madaxda iyo hoggaanka dalkaas.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu intii aanu Garoonka ka dhoofin xadhiga ka jaray mashaariic  tio badan oo laga Hirgeliyey Madaarka Hargeysa.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment