haddii deeq lagu siiyo oo uu ku siiyo qof waad faraxdaa oo kala badataa ,
haddii deeqdaas uu ku siiyo qof magac lihina way ka sii xag jirtaa, ama
madaxwayne ha ahaato ama qof kale ha ahaato, haddii hay'adi ku siiso ka
waran iyadana waaba laga yaabaa in magacaagu meelo fog gaadho oo
warbaahintu ku qaadaa dhigto, waxaynu had iyo goor maqalnaa hebel ayaa
la siiyey bilad sharaf iyo shahaado sharaf laga yaabee inuu mudan
yahay qofkaasi in la siiyo iyo inaanu mudnaynba balse muraad kale laga
leeyahay,
waxyaabaha aynu aadka u xiisayno waxa ka mid ah intaasna dhegteena ku
soo dhacaya
heblaayo ama hebel wuxuu helay deeq wax barasho, hebel wuxuu helay deeq
lacageed , hebel wuxuu helay shahaado sharaf,
mar qudhase ma is waydiinay shahaadada qaaliga ah ee Alle ina siiyey
iyo deeqdiisa aan la soo koobi karin,dhamaan dadkeenu maalmahan waxay
ka sheekaynayaan cida ku guulaysan doonta koobka adduunka World cup,
laakiin kama sheekaysanayno cida ku guulaysan doonta bisha Ramadaan
Illaahay denbi dhaafkiisa iyo Jannadiisa,
waxa jirta walaalayaal deeq cajaa'iba oo Alle inoo diyaariyey bishan
Ramadaan waana deeq aan sinaba cid kale looga heli karin oo maxa ka
mid ah deeqda Alle inoo diyaariyey,
deeqda jimcaha uu inoo diyaariyey oo ah denbi dhaafkiisa
deeqda uu inoo diyaariyey Ramadaanta,
deeqda uu inoo diyaariyey waqtiga xajjka,
Waa bishii deeqda Alle ramadaan, muxuu inagu deeqay? inuu inoo denbi
dhaafo ,inuu naarta inaga xoraynayo inuu Ramxadiisa ina siinayo, inuu
habeenka qaaliga ah ina siiyey ee laylatul qadri,
inuu qur’aanka inoo soo dejiyey, inuu ina faray cibaadadiisa,
Qofka Ramadaan sooma ee salaada taraawiixda tukada ee Illaahay Denbi
dhaaf waydiista waa qof alaylehe helay Deeqdii Alle iyo Jaa'izadii
waynayd ee ugu qaalisanayd wax bin aadami helo.
ogow dhamaanteen waxaan wada yaboohinaynaa in Alle inoo denbi dhaafo
oo inaga dhigo kuwa liibaanay aakhiro iyo adduunkaba, hadaynu sidaas
baafinayno oo doonayno waa haynaa bishii Ramadaan deeqdii Allena swt
way ka buuxdaa ee ma ka wada faa'iidaysanaa?
Deeqaha Alle inoo diyaariyey Ramadaan isagoo inooga waramaya
Xabiibkeenii ayaa la waydiiyey: Nebigii Allow sadaqad teebaa ugu
fadli badan? wuxuu yidhi: Sadaqada Ramaddaan la bixiyo, la iskuma jiro
sadaqadii la bixiyaa Ramadaan waxay dheer tahay sadaqadaha la bixiyo
waqtiyada kale wax aad u wayn,
hadalkiisii ayuu sii watay Xabiibku scw oo wuxuu yidhi : cumrada
Ramadaan la cumraystaana waxay u dhigantaa Xajj aniga la ila soo
xajjayoo kale.
waa deeq Illaahay camalo dhamaantood la inoo laban laabayo oo la inoo
naaxinayo oo la inoo kordhinayo waa sharafta waqtiga Ramadaan
leeyahay, Illaah ha ina garansiiyo.
waxa ku jira deeqo Alle inoogu diyaariyey bishan oo ay nafaheenu u
baahan yihiin inay ka faa'iidaystaan waxaanan ku soo koobayaa
Deeqda Denbi dhaafka Alle swt waa 10ka dhexe ee ramadaan,
Deeqda raxmada Alle u diyaariyey dadka saalixiinta ah waa 10 ka hore
ee Ramadaan.
Deeqda Naarta oo muuminiinta laga xoraynayo waa 10ka u danbeeya Ramadaan.
deeqda habeenka laylatul qadriga, deeqda cumarada Ramadaan, Deeqda
sadaqada Ramadaan, Deeqda qur’aan akhriska, deeqda duco aqbalka oo goor
kasta oo ramadaana, deeqda Derejo bixinta, deeqda barakada xiliga
afurka iyo suxuurka, deeqda tarraawiixda, deeqda qaraabo xidhiidhinta
iyo wax siintooda.
deeqda hadalka wanaagsan iyo wacyi gelinta, deeqda farxinta
masaakiinta iyo wax siintooda, deeqda Alle ku dhawaanta iyo
khushuucda, deeqda waji furnaanta., deeqda jaar xidhiidhinta iyo wax
tarkooda, deeqda agoon booqashada iyo ka warhayntooda,
waxaas oo dhami waa deeqo Illaahay inoo diyaariyey inaynu ka
faa'iidaysano bishan Qaaliga ah ee Ramadaan
Alle waxaynu ka baryaynaa inuu Deeqdiisa qaaliga ah inagu abaal mariyo
ee Jannadiisa iyo denbi dhaafkiisa, aamiin,
waa mar kale iyo cashar Ramadaanta ku saabsan insha Alah
Qalinkii
Hussein Jama guudcade,
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment